Dhanxiir, Caasimada iyo Safarka Madaxweynaha

Maansha Allaah; Hadda ayey Hargeysa caasimad noqon doontaa, kol haddii dawladdii hoose shaacisay in la wado qorshihii lagu casriyeyn lahaa waddooyinkan ajaanibku la yaabaan markay arkaan ee xashiiska iyo buhu dul-wadhan yihiin haddii la innaga qurxiyo magaaladu caasimad-caasimad bay u eekaan oo waa iska oraydh.

Kolayba waynu ku riyoonaynaa in fooqyo is dulsaarsaan iyo jidadka baabuurka iyo laymanka tareennada oo isku ordaya la sameeyee, waxaanse ka baqayaa in dadkan dhulka lagu falay haddii hawada sare waddo la mariyo inay yidhaahdaan ‘Waa baloodhkaygii ilaa cirka inta gurigayga ku toosan anigaa leh.’
Weger; Adeer, caasimadda in la horumariyo oo la casriyeeyo waa la soo dhawaynaayaye, waxaad ka warantaa safarkan dheeraaday ee wadaadkii Siilaanyo ku marayo Khaliijka duruucda miidhan xidhan, maxaa laga dheefayaa tallow, ta kale wadaadku marka uu soo noqdo dadka ma uga warami doonaa waxyaabihii ay madaxda Carbeed ku wadahadleen iyo faa’iidada Land-ta ugu jirta, mise sidii Aw Rayaale ayuu odhan ku gaabsan doonaa ‘Safarkagayii guul iyo is afgarad buu ku dhammaaday.’ Billaahi calayk jeega loo soo qortayna waa inay dadka u sheegaan si aan cidba isku tuhmin.
Jamhuuriya