Wasaaradda Duulista Hawada Oo Si Cadho Leh Ugu Jawaabtay Wargeyska Saxafi

Hargeysa-(Berberanews)- Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka Somaliland, ayaa jawaab cadho leh kula dul kuftay Wargeyska Saxafi oo baahiyay warar ku saabsan shaqaale laga eryay qaar ka mid ah madaarada dalka iyo qandaraasyo la sheegay in wasiirku siiyay wiil ay qaraabo yihiin madaxweynaha.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda oo uu ku saxeexanyahay sarkaal ka tirsan wasaaradda oo lagu magacaabo Cabdilaahi Axmed Caarshe waxa uu u dhignaa sidan;
“Wargeyska Saxafi waxaa uu baryahan Danbe Cadaystay been Qaawan oo aan sal iyo raadtoona lahayn taasoo uu ka faafiyey wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirka jamhuuriyada Somaliland.
Wargeyska saxafi maaha mar iyo saddex toona, balse marar badan ayuu wasiirka wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ka faafiyey warar been abuur ah iyo dacaadayo raqiis ah oo aan jirin, isaga oo wargeysku dacaatadahaa beenta ku raadinayey si uu u helo laaluush iyo in la mustafeeyo.
Sidoo kalena maanta oo bishu tahay 30/04/2011 wuxu wargeyska saxafi cadadkiisii ahaa 272 ku soo daabaxay boga hore war been abuur ah oo uu wargeysku leeyahay wasiirka ayaa magcaabay wiil ay isku beel yihiin iyo shaqaale ayaa la eryey.
Hadaba waxaanu ummadda reer Somaliland u cadaynaynaa in aan warkaa waxba ka jirin shaqaale la eryeyna aanay jirin, wiilka uu leeyahay wargeysku waa la magcaabayna waa muwaadiin ku guulaystey imtixaankii wasaarada dhowaan laga qaaday wasiirkuna u igmaday in wasaarada iyo hab-maasuuska garoonka Cigaal International Airport u qaabilsanaado.
Wargeyska saxafi wuxu garan la yahahay daaqad uu wasaarada ka soo galo waana sababta keentay in uu faafiyo warar been abuur ah oo aan jirin.
Tifaftiraha wargeyska saxafi hore ayuu wasiirka uga dalbaday cafis ka dib markii uu war been ah ka qoray.
Hadaba waxaan leeyahay saxafi isma gabato in aad marna na baridaan marna aad warar been ah faafisaan, waxaanu idiin sheegaynaa in aad cidina idin saamaxayn warkan aad maanta qorteen ee beenta ah iyo kuwii aad hore faafiseen intaba waxa la idinka rabaa cadayntooda, waxaanuna si deg deg ah uga codsanaynaa xeer-ilaalinta qaranka in ay si dhaqso ah ugu yeedho madaxda wargeyska fidnada ah ee saxafi oo xataa sharcigiisa ama ruqsaddiisa mugdi ku jiro.
Waxaanu ummadda leenahay idinka ayaa ka markhaati ah waxa uu qabatay mudadii yarayd ee wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi uu xilka wasaarada hayey, isaga oo garoomada dalka ka dhigay kuwo wada shaqaynaya waxqabad muuqtana ka hirgeliyey, waad aragtaan maalin kasta mashaariicda muuqda ee laga qabto garoomada dalka.
Sidoo kale waxa ka go’an wasiirka wasaarada duulista hawada in uu sii kordhin doono waxqabadkiisa.
Hadaba waxaanu ummadda u sheegaynaa in wargeyska saxafi ka soo horjeedo ama uu quudhi waayey waxqabadka wasiirka wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, sidoo kalena ay ka soo horjeedaan waxqabadka xukuumadda uu majaraha u hayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud [Siillaanyo], taasoo qabatay waxqabad aan dalka ka qabsoomin tan iyo markii ay Somaliland madax banaanideeda kala soo noqotay dalkii la odhan jirey soomaaliya.
Waxaanu leenahay wargeyska saxafi sidan waxba ku heli maysid ee risiq xalaal ah illaahay weydiiso, inta aad raadinaysa laaluush.
Sidoo kale waxa muuqata in aad kqa soo horjeedo haruumarka Somaliland.
Baadida ninbaa Kula Daydayoo Daalna Kaa Badane,
Aan dooni hayn in aad heshona daa’in abaidkaaye,
Dadkuna moodi duul wada dhashay oon wax u dahsoonayne,
Dilo malaha kaasi aakhiro haddii loo kitaab furo.
Ugu dambayntii waxaanu leenahay wargeyska saxafi waxa lagaa rabaa cadaynta wararka beenta ah ee aad caadaysatey in aad keento, shacabkana waxaanu leenahay ha akhrisanina wargeyska saxafi beentiisa, waxaanu kale oo kuu sheegaynaa in ay xukuumadda madaxweyne Siillaanyo iyo wasaarada duulista ee aad ku walacdeenba ay u taagan yihiin sidii ay bulshada iyo dalkooda u hormarin lahaayeen, balse aanay waxba ka dhibayn ama ay ka koreen warar been ah oo laga qoro, waxa kale oo muuqata in la idinka dhex hadlayo oo daaha dabadiisa la dinka hagayo, waxaanu idin kula talinaynaa in aad barataan mihnada saxaafada ee aad sida xun u barateen in aad yeelataan aqoon iyo waayo-aragnimo aad wax ku qortaan.”
Berberanews.com
Hargeysa,