Madaxweyne Silaanyo Muxuu Ka Yidhi Hadal-haynta Isku Shaandhayn Xukumaddiisa Ku Sammeeyo, Muranka Wershada Labaad ee Sibidhka Berbera, Furashada Ururada Siyaasadda iyo Saxaafadda

Berbera, 02, May, 2011-(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa jawaabo ka bixiyay su’aalo tiro badan oo ku saabsan arrimmo badan oo ay ka mid yihiin murrankii ka dhashay dhismaha wershadii labaad ee sibdihdhka Berbera, waxyaabaha ka fulay ballanqaadkiisii xoriyadda saxaafadda, hadal-haynta isku shaan-dhayn la hadal haya inuu xukuumaddiisa ku samaynayo, furashada ururada siyaasiga ah iyo arrimo kale oo warbaahintu ku weydiisay madaarka Berbera, ka dib markii uu ka soo laabtay safar uu ku tegay qaar ka mid ah dalalka carabta.
Hadaba, su’aalahaas iyo jawaabihii oo dhammaystirani waxay u dhaceen sidan;
S – Madaxweyne goorma ayaad isleedahay way fulayaan mashaaricda aad sheegtay in ay kuu balan qaadeen madaxdii wadamadaa aad safarka ku tagatay?
J – Waxay filayaa madaama oo ay dad iyo dal kala duwan yihiin wakhti naloo cayimay oo jiraa ma jiro laakiin waxan filayaa in ay fulayaan sanadkan gudihiisa kolay waxan filayaa in aanay mashaariicdaasi mar wada fuleyn laakiin qeybo ayaa fuli doona.
S – Madaxweyne ma jirin xidhiidh wanaagsan oo udhexeeyay wadamada carabta iyo Somaliland safarkaagan oo ah kii ugu horeeyay sida ka muuqanaysay marka la eego meeqaamkii adiga iyo waftigaa laydinku qaabilay wadamadii aad tagteen ma laga yabaa in ay dalalka carabtu hormood unoqdaan aqoonsi ay Somaliland ka hesho bulshada caalamka?
J – runta marka aanu sheegno arinta aqoonsigu maaha mid lala soo boodayo oo lagu dheeraynayo dalalka carabtuna ama kuwa kale ee duniduba waxay nagu yidhaahdaan arinta aqoonsigiinu waxay taalaa Afrika waa arin Au.da iyo mandaq utaala markaa umaleynmaayo in ay ta ugu horeysa ee ay mihiimada siinayaan ay tahay aqoonsiga laakiin dunida wax badan baa isbedelaya marka uu dhaqaaaluhu isbedelo xidhiidhku weynaado wax badana ay maalgashadaan xidhiidh iyo masaaliix badanina ay ina dhex maraan xidhiidhkuna uu furmo wax badanina way iska bedeli doonaan aragtida manta taala.
S – Madaxweyne intii aad safarka ku maqneyd waxa siweyn dalka looga hadal hayay in aad isbedel ku sameyn doonto xukumadaada marka aad soo noqoto arintaasi ma jirtaa?
J – horta wax aniga iga soo baxay oo ku saabsan isku shaandheynta xukumadayda ma jirto.
S – Madaxweyne waxa jirta inaad gudi usaartay ka soo tala bixinta furashada ururo cusub oo siyaasadeed hadaba marka laga yimaado talada ay keeni doonaan gudida aad magacawday ka Madaxweyne ahaan adiga muxuu yahay mawqifkaaga ku aadan arintaa ururada.
J – arinta la furashada ururada waa ogeydeen arintaa gudi heer qarana baa loo saaray oo cid waliba ku jirto gudidaasina wali hawshoodii bay ku jirtaa walina natiijadoodiina maan helin arintaasi waxay ku xidhantay jawaabta aan ka helo gudidaasi markay hawshooda soo dhameystaan .
S – Madaxweyne waxa jirtay in aad dhawaan ruqsad usiisay labada shirkadood ee Dahabshiil iyo Telsom in ay warshada sibidh ka hirgaliyaan warshada cusub oo sibidhka ah taas oo aad uga biyo diideen ganacasato rusuqsad hore ka haystay xukumada arintaas oo sida laga warqabo dareen ka abuurtay in badan oo bulshada dalka kamida taas oo kentay in ay labadii shirkadooda mid kamidi ka noqoto maalgashigii warshada hadaba madaxweyne masidii aad ku bixisay baa mase laga yaabaa in aad wax ka bedesho?
J – arintaas warshada sibidhka ee berbera arintaas gudida qaran baanu usaaray gudidii qaranka taladeedii baanu fulinay talooyin wax cusub oo aan imikana ma jirto.
S – Madaxweyne waxa jirta in aad wakhtigii ololaha doorashada madaxtooyada aad hadiyo jeer sheegi jirtay in ay daan cabudhin doonin saxaafada oo xeerarkeedana aad tixgalin sii doontaan imikana waxa jirta in qaar kamida wargeysyada ka soo baxa dalka intii aad maqneyd iyo markii hore aad joogtayba in xeer ciqaabeed lagu fuliyay taas oo xeer saxaafadana ka hor imanaya mawqifkaagii xiligii ololaha ma waxbaa iska bedelay?
J – anigu ma qabo in ay jirto saxaafad aanu cabudhinaa saxaafadana waligay baanu ladhaqmaynay saxaafadu waa ta joogta saxaafadu xaqbay uleedahay madax banaanideeda laakiin saxaafdu hadii ay cid meel kaga dhacdo oo iyadu danbi gasho cidaasi markay cidaasi dacweyso dee xaqbay uleedahay in cidaasi wixii ay ka tirsanayso ku eedeyso way ubanaantay laakiin saxaafad aanu anagu cabudhinaynaa ma jirto.
S – Madaxweyne dalalkaa aad tagteen waxa jira jaaliyado badan oo reer Somaliland oo ku dhaqan waxay jaaliyadahaasi udayacan yihiin nidaamka xukumada ku meelgaadhka ah waxaana dhici karta in ay xadgudyo badanina kaga yimaadaan markaa makala hadasheen madaxdii aaad la kulanteen ee dalalka?
J – Meelahaa aanu tagney bulshada reer Somaliland eek u nooli si aad iyo aad bay noo soo dhaweeyeen waanan jeclaa in aan hadalkayga ku soo daro in aan halkan uga mahad naqo sida xamaasada ee wadaniyaduna ku dheehantay ee ay isoo dhweeyen arinta kale ee dhibaatooyinka haystana way noo sheegen dadkeenaasi wixii aanu kala hadli karaynayna ee khuseeyay dawladahaasina waanu kala hadalay
Berberanews.com
Berbera, Somaliland