War deg-dega: Roobab Dhimasho dad iyo dhaawacba keenay oo galabta Hargeysa ka da’ay

Hargeysa, May 06, 2011-(Berberanews.com)- Inta la xaqiijiyey saddex qof ayaa ku dhintay, laba kalena way way ku dhaawacmeen, ka dib markii uu ku dumay darbi ka mida dhismaha garoonka kubadda cagta Hargeysa Stadium ee Caasimadda Hargeysa.
Roob culus oo galabta ka da’ay magaalada Hargeysa, ayaa waxyeello gaadhsiiyey meelo kala duwan oo uu ka mid yahay garoonka Kubbadda Cagta ee Hargeysa Stadium, halkaasoo saddex qof ku dhinteen laba kalena ku dhaawacmeen, ka dib markii uu ku dumay mid ka mida Gidaarrada Garoonku.
Dumistan Garoonka Hargeisa Stadium, ayaa ku soo beegmay iyada oo garoonkaa ay ka socdaan Tartan Ciyaareedka Naadiyada heerka labaad ee uu kubbadda cagta Hargeysa oo dhawrkii maalmood ee u dambeeyey ka socday halkaas.
Ma jiraan warar rasmiya oo laga soo saaray khasaaraha ka dhashay garoonka dumay. Labada qof ee shilkaa ku dhaawacmay ayaa lagu dawaynayaa cusbitaalka guud ee hargeya/
Sidoo kale waxay roobabku khasaare u geysteen Jidad kala duwan oo ka mida Waddooyinka Caasimadda Hargeysa oo ay Roobabku jareen.
Wixii warara ee ka soo kordha khasaaraha Roobabka kala soco Berberanews.com.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.