Al-Qaacida oo sheegtay in Hogaamiyahoodii Osama la dilay iyo tallaabada ay qaadayaan

Hargeysa, May 06, 2011-(Berberanews.com)-Al-Qaacida ayaa sheegtay in hogaamiyahoodii uu dhintay, Al – Qaacida ayaa xaqiijisay geerida hogaamiyaheedii Osama Bin Laden, sida uu sheegayo hadal lagu qoray website ay leeyihiin koox xag jir ah.
Hadalka ayaa waxa lagu sheegay in al Qaacida ay sii wadi doonto weerarada ay kaga soo horjeedaan Mareykanka iyo xulafadiisa.
Dhimashada Osama waxa ay noqon doontaa mid habaar ku ah Mareykanka ayaa lagu yiri warbixinta, oo loogu baaqay dadka Pakistan.
Warbixinta ayaa waxa lagu sheegay in dhiigga Osama ay u aargudi doonaan, oo habaar uu ku noqon doono Mareykanka iyo xulafadiisa, isla markaana al-Qaacida ay siiw ado doonto weerarada ay uga soo horjeedo Mareykanka iyo xulafadiisa.
Osama Bin Laden waxaa la dilay Isniintii, markii ciidamada Mareykanka ay weerar ku qaadeen xero ku taal magaalada Abbottabad ee waddanka Pakistan.
Maanta oo jimce ah banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo weerarka Mareykanka ayaa ka dhacaya dhawr magaalo oo ku yaal Pakistan.
Source Bbc-somali