Dawladda Kenya oo si weyn u adkeysay Ammaanka guriga Sarah Obama

Nairobi, May 07, 2011-(Berberanews):-  Hey’adaha Booliska dalka Kenya, ayaa si weyn u adkeyey ammaanka guriga Madaxweynaha Maraykanka ee Brack Hussein Obama Ayeydii oo ku yaalla degaanka Kogeelo ee Gobolka Nyanza, ka dib markii ay Mareykanku shegeen inay dileen Hoggaamiyihii Al Qaacida Osama Bin Laden.
 
Waxaana halka ay ku nooshay Mama Sahra Obama la geeyay Boolis dheeraad ah si ay u sugaan ammaankeeda iyadoo laga cabsi qabo in qaab aargoosi ah loo dilo.
 
Booliiska ayaa waxey sheegeen in ay heleen warar sheegaya in la weerari rabo haweeneydani waxeyna amaankeeda loo adkeeyay si weyn.
 
Dhanka kale dadka kenyanka ayaa waxaa sooo wajahay cabsi fara badan kadib markii mareykanka ay shegeen in la dilay hogaamiyaha al qaeda osama bin laden ,pooliskuna waxey sheegayaan in gebi ahaanba dalka ay amaanka si weyn u adkeeyeen.

Source RH.