Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta oo Hay’adaha WHO iyo SOLNEC ku eedaysay inay Berbera ka fuliyeen dhaqan-xumadii ugu weynayd, digniinna u jeedisay

Berbera, May 07, 2011-(Berberanews):- Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland ee Gobolka Saaxil Suleymaan Siciid Cali, ayaa ka digay dhibaatooyin dhaqan-xumo ah oo ka soo horjeeda Diinta Islaamka oo uu sheeay inay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo Komishanka Qaranka Somaliland ee la-dagaallanka AIDS-ka inay ka hirgeliyeen magaalada Berbera, ka dib markii ay dhawr maalmood ka hor Siminaar ugu qabteen dad ay ugu yeedheen magac aan wanaagsanayn (Dadka Jidhkooda ka Ganacsada).
 
“Waxa jirtay in maalin dhawayd Hay’adda WHO oo kaashanaysa SOLNAC Ee la yidhi waa Komishanka Qaranka ee la dagaallanka AIDS-ka ay Shir u Qabteen Haweenka Jidhkooda ka Ganacsada sidii ay isu illaalin lahaayeen oo ay iyagu sheegeen in ay doonayaan in ay xakameeyeen, laakiin ay dhiirigaliyeen arrintaa.” Sidaa waxa yidhi isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland ee Gobolka Saaxil Sulaymaan Siciid Cali.
 
Sheekh Sulaymaan, waxa uu sidaa ku sheegay khudbad uu ka jeediyey Masaajid ku yaalla magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil. Waxa kale oo uu Isu-duwuhu khudbaddiisa ku sheegay inay arrintaasi halis ku tahay bulshada, isla markaana ay dhiirigelinayso inay dalka ku bataan dadka dhaqankaa xun ku shaqaysta, maaddaama oo ay lacag hay’aduhu bixinayaan ka soo gaylayso.
 
“Waxa kaloo ay xuseen in ay doonayaan sidii uu Cudurka AIDSku u yaraan lahaa, laakiin waa dhiirrigalin, waayo? Dumar aan iyagu qoladaa ahayn ayaa meeshii yimi oo yidhi Annagaa jidhkayaga ka ganacsanna si ay lacagtaa u qaataan.” Ayuu yidhi Isu-duwuhu.
 
Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta ee Gobolka Saaxil, Sulaymaan Siciid Cali, waxa uu digniin u jeediyey Hay’adaha arrintan waday iyo sidoo kale Ururrada kala shaqeeyey ee u suuragaliyey inay dadka u soo saaraan. Isu-duwaha oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Waa arrin Mushkiladdeeda leh dadka intay mashruuc Hay’ad ka soo qaataan odhanaya yaa Jidhkooda ka Ganacsada iyaga oo leh NGO ayaannu nayhay,  waa arrin aad halis u ah, waayo? Barrina inta ay Mashruuc soo qataan ayey odhandoonaan yaa Diinta ka Gaaloobaya.  Arrintaa waannu ka digaynaa waana in ay Faraha ka qaadaan cidda waddaa.”
 
Waxa kale, oo uu Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta ee Gobolka Saaxil, uu sheegay inay Siminaarkaa lagu qabtay magaalada Berbera, isla markaana ay Hay’adahaasi doonayaan inay ku qabtaan gobollada kale ee dalka qaarkood, sida Sanaag oo kale. “Markaa, Berbera way ku qabteen Gobollo kale oo Sanaag ka mid yahayna way ku qabanayaan waa arrin Halis ah WHO iyo Solnac waxaannu uga digaynaa arrintaa meel walbana waannu ka sheegaynaa..” sidaa ayuu yidhi Isu-duwaha Saaxil ee Wasaaradda Awqaaftu.
 
Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay arrintan oo kale lagu arko dalka Somaliland meel ka mida oo ay Hay’ado tabobbarro kan la mida ka fuliyaan. Waxaana kulankan haweenka loo qabtay ku soo beegmay xilli ay weli Dekadda magaalada Berbera yaallaan Koontiinarro Cinjirrada Galmada loo isticmaalo  (Codem-mo) ah oo Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaaftu dhawr toddobaad ka hor ay shaacisay inay dab qabadsiinayso oo la gubayo, maaddaama oo ay yihiin wax ka soo horjeeda Diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda.
 
Berberanews.com
Berbera/Somaliland.
Info@berberanews.com