Itoobiya Oo Ciidammeeda Soo Dhoobtay Xuduudka Ay Somaliland La Wagaagto iyo Dareenka Dhaqdhaqaaqyada Xeebaha Galbeed Ka Taagan

Salal,08, May, 2011(Berberanews)-  Dawladda Itoobiya, ayaa ciidammo xoog leh soo dhoobtay xuduudka ay Somaliland la wadaagto, gaar ahaan tuulada Xariirad oo ka tirsan gobolka Salal.
 
Inkasta oo aanu jirin war rasmiya oo ku saabsan dhacdadan, haddana sida ay Shabakadda wararka ee Berberanews u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo aanu ka helay dadweyne ku nool deegaankaas, waxa labadii maalmood ee u danbeeyay lagu ku sugnaa tuulada Xariirad ciidammo Itoobiyaan ah.


Warku waxa uu intaa ku daray in dhaqdhaqaaqyada ciidammada Itoobiya ku yimaadeen xuduudka labada dal wadaagaan uu ka dhashay saraakiil ka socda sirdoonka Itoobiya oo maalmihii u dabeeyay ku sugnaa magaalooyinka xeebaha Somaliland, gaar ahaan magaalada Saylac, oo sida la sheegay ka warhelay dhaqdhaqaaqyo maleeshiyo ka tirsan Jabhada ONLF ee ka dagaalanta Itoobiya ay damacsan yihiin inay ka soo degaan xeebaha galbeed ee Somaliland, una gudbaan Itoobiya, taasoo sababtay in sirdoonku sahan u ahaa ciidammada haatan ku sugan Xariirad.


Sida wararka aanu deegaankaas ka helay sheegayaan ciidammada Itoobiya ee ku sugan Xariirad, ayaa doonayay inay isku baahiyaan dhammaan xeebaha galbeedka Somaliland ilaa xuduudka Lawya-cado , haseyeeshee warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in dawladda Somaliland ku gacan-saydhay qorshaha sirdoonka Itoobiya ku damacsanyihiin inay ciidamadooda soo geliyaan gudaha Somaliland, islamarkaana heegan sare la geliyay ciidamada Somaliland ee ku sugan Galbeedka.


Waxay ahayd bishii Septemper ee sannadkii hore markii deegaannada Saylac iyo Lughaya ay ka soo degeen ciidan gaadhaya 200 oo maleeshiyaad ka tirsan jabhada ONLF kuwaasi oo ka gudbay xuduuda u dhexaysay Somaliland iyo Itoobiya, halkaasoo uu dagaal culus dhexmaray milatariga Itoobiya iyo ciidanka ONLF oo la sheegay inay ka yimaadeen dalka Ertria oo markii danbe laga awood roonaaday.

Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland
info@berberanews.com