Safar Wasiir-ku-xigeenka Maaliyaddu Ku Tegay Berbera Oo Daaha Ka Feyday Eedo Loo Jeediyay Hawl-wadeenada Goobaha Dakhliga

Berbera,08, May, 2011(Berberanews)- Kormeer shaqo oo Wasiir-ku-xigeenka Wasaadda Maaliyadda Somaliland, ahna ku-simaha wasiirka Warsame Siciid Cabdi ku tegay goobaha dakli-ururinta maaliyadda Berbera, ayaa daaha ka rogtay xil-gudasho la’aan lagu eedeeyay qaar ka mid ah hawl-wadeennada ka shaqeeya goobahaas.

Wasiir-ku-xigeenka oo shalay ku waaberiistay goobaha dakhli soo saar ee ay ka mid yihiin  Madaarka Berbera, Katsamka iyo Xarunta cashuuraha Beriga, waxa uu u kuurgalay shaqaalaha ka hawlgala iyo sida ay u shaqeeyeen, waxaannu goobkasta dhigay liiska shaqaalaha ku qoram inay ka hawlgalaan, waxaana soo if-baxay shaqaale badan oo ka hawlgala Xafiiska maaliyaddu ku leedahaya Madaarka iyo kastamka oo aan ka soo daahirin goobohoodii shaqo, taasoo muujinaysa dhalliilo ka ka imanayay shaqaalahan oo lagu eedayn jiray inaanay shaqooyinkooda gudan.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), oo  ka jawaabayay diyaarad agab caafimaad oou siday cusbitaalka Degmada Sheekh oo todobaadkan lagu xannibay Madaarka Berbera, ayaa arrintaa edeeda dusha ka saaray hawlwadeennada maaliyadda ee ka hawlgala Madaarka Berbera oo uu ku sifeeyay qaar shaqadoodii ka gaabiyay oo suuqa looga yeedho wakhtiga shaqada,, “Waa nasiib daro alaabtan waa la ogaa, wasaaradda maaliyaduna way soo qortay fasaxii laakiin qoladii maaliyadda ayaa madaarkiiba laga waayay, runtiina waa nasiib daro haysata dadka dawlada u shaqeeya, oo iyadii oo diyaaradi imanayso ayay suuqa iska qabteen, taasina waxay ahayd nasiib darro dhacday, waxaanan qabaa inaanu kala xisaabtami doono Wasaaradda Maaliyadda.”

Badhasaabku waxa uu intaa raaciyay “Tan oo keliya may ahayne waxa dhacday in dad rakaaba oo garoonka ka soo degay la waayo cid ka qabata cashuurtii wasaaradda maaliyaddu xaqa ugu lahayd oo ay rakaabkuna aad ugu dhibaatoodeen aad baan uga xumahay.” ayuu yidhi



Wasiir-ku-xigeenku waxa kale oo uu tegay kormeeray Xarunta Cashuurha Bariga Berbera oo uu warbixin kaga dhegaystay Maamulaha Cashuurha Bariga Berbera Maxamed Ismaacil (Keenadiid) oo sheegay inuu lix billood gudaheed ku xareeyeen lacag u dhiganta miisaanoyad-sannadeed-kii 2010 dhegaystay Maamulaha Cashuurha

Bariga Berbera Maxamed Ismaacil (Keenadiid) waxa uu Wasiirka ku war galiyey in aanay Ganacsatada dalku sidii la rebay u bixin Cashuuraha loo yaqaan Macashal Macaashku oo ay ugu daran yihiin laba Maxraj ee Magaalada Berbera oo dhawr jeer ka Dhega adaygay in ay iska bixiyaan Cashuurtaa.

Wasiir-ku-xigeenku waxa uu balan qaaday Inuu si dhakhso ah wax uga qaban doonaan bixinta cashuuraha macal-macaashka, Wasiirku waxa uu kormeeray dhismaha qaybta Sare ee xarunta Cashuuraha Berbera oo u dhaw in ay dunto isla markaana noqotay Goob aan in muddo ah Shaqaynin, isagoo ballanqaaday inay bilaabaayaan dacaytirkeeda.

Wasiir-ku-xigeenku markii uu kormeerkiisa soo dhammaystay waxa uu shir aan warbaahinta loo ogolayn oo mudo qaatay xafiiskiisa kula yeeshay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleeban, ka dib markii iuu shirkaasi dhammaaday ayuu Wasiir-ku-xigeenku saxaafadda si yar oo kooban kaga hadlay ujeedada safarkiisa, waxaannu yidhi, “Maanta waxaanu Berbera oo ah halka dhaqaalaha dalku ka soo xeroodo ku Imi kormeer hawleed aan saaka xili hore ka soo kalahay Hargaysa, Ujeedadayda Ugu Wayni waxay ahayd sidii aan ugu dhiiri galin lahaa Shaqaalaha Maaliyada in ay wadanka u soo xereeyaan cashuurha ay Wasaarada Maaliyadu Uga wakiilka tahay dawlada oo Runtii aan sidii la rebay u soo xeroon iyo dar dargalinta waaxyaha Maaliyada Gobolka,Runtii aad ayaan ugu mahadnaqayaa dhamaan Maamulayaasha iyo Gudoomiyaha Gobolka oo Wada shaqayn fiicani ka dhexayso.”
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland
info@berberanews.com