Burco: Dhakhtar ka xog-warramay xaaladda Carruur Sumowday oo mid ka midi geeriyooday

Burco, May, 10, 2011 (Berberanews)- Ugu yaraan afar carruur ah, ayaa ku sumoobay degaanka tuulada Ceeg oo dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Carruurtan oo la keenay Cusbatalka Manhal ee magaalada Burco, waxay ka kooban yihiin afar carruur ah oo walaalo ah, kuwaasoo mid ka mid ahi ku geeriyooday sumowgaas.
Maamulaha cusbatalka gaarka ah ee Manhal ee magaalada Burco Dr. Cabdirisaaq Axmed Raage oo khadka telefoonka ugu waramay shabakadda Somalidiasporanews, waxa uu sheegay in carruurtaas oo dhamaantood walaalo ah, da’dooduna u dhexayso 6 jir ilaa sannad iyo badh ay ku sumoobeen ka dib markii ay cabeen biyo aan nadiif ahayn, isla markaana uu mid ka mid ahi ku geeriyooday degaanka Ceeg ee ay ku sumoobeen.
“Afarta carruurta ah ee sumoobay waxay cabeen biyo meel godan oo roob helay ku jiray, markaa mid ka mid ahi wuu dhintay, da’diisuna shan jir bay ahayd oo goobtii ay ku sumoobeen buu ku dhintay, saddexdii kalena waanu ku guulaysanay oo way daawoobeen,” ayuu yidhi maamuluhu. “Intii roobabku gobolka Togdheer ka da’ayeen, waa markii labaad ee carruuri ku sumowdo biyo ay cabeen,” ayuu raaciyay.
Dr. Cabdirisaaq Raage waxa uu dadweynaha xoolo-dhaqatada ah ugu baaqay in aanay cabin biyaha ku jira meelaha godan ee roobabku ku yar yihiin, si aanay waxyeelo uga soo gaadhin cabitaanka biyo aan nadiif ahayn. “Dadweynaha reer Miyig ah waxaan leeyahay, iska ilaaliya cabitaanka biyaha ku jira meelaha ay xooluhu ku bakhtiyaan,” ayuu yidhi Maamulaha Cusbatalka Manhal ee magaalada Burco.
Xigasho SDN News Desk