Urur-goboleedka IGAD oo shaaca ka qaaday qorshe cusub oo la isugu keenayo Bulshooyinka Ururka ku midoobay

Jabuuti, May, 10, 2011 (Berberanews)- Xoghayaha guud ee Urur-goboleedka IGAD Mr Maxbuub Macallin, ayaa sheegay inay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo markii saddexaad loo dhaariyey hoggaaminta dalkiisa inuu taageero qorshe IGAD waddo oo la doonayo in la isugu keeno dadyawga Gobolka.
 
Maxabuub Macallin oo ka mid ahaa madaxdii ka qaybgashay Munaasibaddii caleemo-saarka ee lagu dhaariyey Madaxwaynaha Jamhuuryadda Jabuuti oo siddeeddii bishan magaalada Jabuuti ka dhacday, ayaa daboolka ka qaaday inay diyaariyeen qorshe lagu midaynayo bulshooyinka waddammada Ururka IGAD ku bahoobay.
Xoghayaha guud ee urur-goboleedka IGAD Mr. Maxbuub Macallin, oo waraysi siiiyey Telefiishanka Horn Cable TV, ayaa sheegay inay Madaxweynaha Jabuuti ugu baaqayaan inuu hormuud u noqdo qorshe ururku wado oo loogu yeedhay isu keenidda dadka.
“Annaga waxa noo diyaar ah qorshe aannu ku fulinayno waxa la yidhaahdo isku-keenka dadka. Waxaannu rejaynayaa inuu isagu (Madaxweyne Geelle) hormuud ka noqdo oo uu na siiyo xoog shaqada aannu ku wadno.” Sidaa ayuu yidhi Maxabuub Macallin.
“Midda kale waxaannu ka rejaynaynaa inuu taakulo shaqada nagu siio maaddaama oo ururka IGAD uu iyaga u shaqeeyo oo Saldhiggayagu uu Jabuuti yahay inuu kaalmo gooni ah na siiyo Madaxweynaha Jabuuti ayaannu eegaynaa.” Ayuu hadalkiisa ku sii ladhay Xoghayaha Urur-goboleedka IGAD Maxbuub Macallin.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland
Info@berberanews.com