Dagaal Galgala Ku Dhexmaray Maamul-goboleedka Puntland iyo Atam Oo Khasaare Dhimasho Badan Sababay

Galgala –(Berberanews)- Taageerayaasha Sheekh Maxamed Siciid Atam ee ka dagaalama Deegaanada Maamulka Soomaaliyeed ee Puthland ayaa maanta weerar gaadmo ah ku qaaday Ciidamada Maamulka Puntland, kuwaasi oo la wareegay Gacan ku haynta Buuralayda Galgala.
Saraakiil ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland aya sheegay in dagaaladaasi ay ku dhinteen 15-qof oo ka tirsan Dhinacyadii dagaalay, waxaanay sheegeen in kooxda taageersan Sheekh Maxamed Atam ay u suurogashay inay la wareegaan dadka ku dhaqan Buurahaasi Galgala.
Saraakiishan oo sheegay inay magacyadooda sheegaan ayaa tilmaameen in dagaalkaasi oo socday Muddo saddex saacadood ah oo xidhiidh ah, iyagoo sheegay inay haatan wadaan Abaabul dagaal.
 
Sarkaal ka tirsan Puntland oo ka hadlay dagaaladan iyo khasaaraha ka dhashay, ayaa yidhi, “Dagaalladu waxay socdeen saddex saacadood oo xidhiidh ah, waxaana ku dhintay sagaal askari oo ka tirsan Puntland iyo lix dagaalyahan oo ka tirsan xoogaggii dagaalka ay la galeen, waxaana socda abaabul ay dowladdu ku doonayso inay dib uga qabsato buurahaas,”.