Wasiirrada Waxbarashada iyo Boosaha Somaliland oo gargaar gaadhsiiyey dad abaaruhu waxyeelleeyeen

Illinta-dhexe, 11, 2011- (Berberanews)- Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada iyo tacliinta sare, Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo ay weheliyaan Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) iyo Guddoomiyaha Hay’adda la-dagaallanka musuqmaasuqa, ayaa shalay Raashin caawimo ah gaadhsiisay dad ay abaaraha iyo roobabkuba dhibaatooyin waaweyn gaadhsiiyeen oo lagu soo daad-gureeyey deegaannada Waqooyiga Gobolka Hargeysa.
 
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo halkaa ka hadashay ayaa sheegtay inay 260 qoys oo ku waxyeelloobay abaaraha oo ay Xukuumaddu hore uga soo daad-guraysay deegaannada Xeebtu gaadhsiiyeen Raashin ay Xukuumaddu ugu talagashay. Wasiirka Waxbarashadu, waxay sheegtay inay Xukuumadda Somaliland ka go’an tahay inay wax u qabato dadka ay abaaruhu saameeyeen.
 
“Illaahay ayaa mahadle, kol haddii Dadkayagii abaaruhu heleen oo nabad qabaa halkan soo gaadheen Illinta dhexe. Laba boqol iyo lixdan reer ayaannu imaka halkan Raashin ugu qaybinnay, waxaananu halkan (Illinta dhexe) u sii dhaafaynaa immaka meesha la yidhaahdo Beenyo Baxday oo taakulo aannu u sidno.” Sidaa ayey tidhi Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Samsam Cabdi Aadan.
 
“Dadkii dawga cad ka soo baxay yimaaddeen, kuwaasoo xoolihii ay haysteen intii badnaydna ka dhimaday waxna la soo qaxay, Xukuumaddu waxay soo gaadhsiisay raashinkan, waanay sii wadaysaa, waxaanannu ka codsanaynaa cid kasta oo caawimo u fidin karta dadkan inay Xukuumadda ugu soo hagaajiyaan.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Dr. Axmed Xaashi Oday.
 
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaa ka hadlay Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje) iyo Guddoomiyaha Hay’adda la-dagaallanka Musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar, kuwaasoo sheegay inay Xukuumaddu ku dedaalayso sidii ay isu garab-taagi lahayd dadka ay Abaaruhu dhibaatooyinka soo gaadhsiiyeen.
 
Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare Samsam Cabdi Aadan, ayaa hore uga qaybqaatay gurmadkii Xukuumaddu u samaysay dadkaas, isla markaana ku soo gurtay gaadiid tiro badan dadkaas iyo waxa uga hadhay duunyadii ay haysteen, waxaanay Wasiirku hore ugu geysay Boco, Bustayaal iyo cuntada degdegga ah.
 
Berberanews.com
 
Hargeysa/Somaliland.