Ciidamada AMISOM oo sheegay inay dileen Saraakiil Sare oo ka tirsan Al-shabaab

Muqdisho, 16, May 2011 (Berberanews)-  Warsaxaafadeed kasoo baxay ciidamada AMISOM ayay ku sheegeen in dagaallo ka dhacay Jimcihii Muqdisho ay ku dileen saraakiil ka tirsan Al-shabaab, iyagoo sidoo kale sheegay inay jiraan saraakiil ajnabi ah oo dhaawacyo gaadhay u dhintay.

 

“Cabdifataax Maxamed oo ahaa hogaamiyaha Al-shabaab ee Bakaaraha ayaa lagu dilay dagaalkii dhacay Jimcihii 13 May, sidoo kale waxaa lagu dilay dagaalkaas dhowr sarkaal oo uu ka mid ahaa Cabdiwahaab Sheekh Doole oo ahaa madax sirdoon,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

AMSIOM ayaa intaas ku daray in warar hoose oo ay heshay ay sheegayaan in laba dagaalyahan oo u dhashay dalka Pakistaan oo lagu kala magacaabi jiray Xuseen Cabbaas iyo Cabdilaahi Yalab ay u dhinteen dhaawacyo halis ah oo kasoo gaadhay dagaalkaas, kuwaasoo lagu aasay meel ku dhow cussbitaalka Dayniile oo dhawacoodii loola cararay.

“AMISOM waxay howlgalkeeda ka billowday xaafadda Ceel-hindi ee degmada Howl-wadaag, haatanna waxay ku sugan tahay meel ku dhow Bakaaraha. waxayna ciidamada Uganda iyo kuwa dowladdu u jiraan bakaaraha in ka yar 400-mitir,” ayay AMISOM ku sheegeen warkooda.

Sidoo kale, waxay sheegeen in shan askari ay kaga dhaawacmeen howlgalkaas. Iyagoo sidoo kale sheegay in ciidanka Burundi iyo kuwa TFG ay aagga waqooyi ee degmada Hodan ay kasoo riixeen xoogagga kooxda Al-shabaab, oo ay la wareegeen gacan ku haynta guryihii Ruushka dhowr mitirna ay u jiraan xaafadda African Village, iyagoo xusay in saddex askari ay kaga dhaawacmeen dagaalladaas.

Ugu dambeyn, ciidamada AMISOM waxay warsaxaafadeedkooda ku sheegeen inay howlgaladan ku taageerayaan ciidamada TFG, oo ay dhul badan ku siqeen,  waxay toddoba degmo oo ka tirsan Muqdisho ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM, halka lix kale ay qaybsan yihiin, saddexna ay gacanta ku hayso kooxda Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay iska difaacday weerarro ay kusoo qaadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa TFG, waxayna maalintii Khamiista ahayd kusoo bandhigay Muqdisho maydka sarkaal ka tirsan ciidamada Uganda oo lagu dilay dagaal maalintaas dhacay.

 

Taliska AMISOM, ayaa warsaxaafadeed uu isla maalintaas soo saaray ku qirtay inay kaga dhinteen dagaallo dhacday Arbacadii iyo Khamiistii todobaadkii hore laba askari oo ay kaga dhaawacmeen saddex kale oo dhammaantood u dhashay dalka Uganda.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland