Wasaaradda Duulista Somaliland oo dalkeeda ka mamnuucday Diyaaradda Jet-link

Hargeysa, 15, May 2011- (Berberanews)- Wasaarada Duulista Hawada Somaliland ayaa shaqadii ka joojisay shirkada diyaaradaha ee Jet-link oo ka mid ah shirkadaha ka shaqeeya bariga Afrika. Wasaaradu waxay shaqo joojinta shirkadan u cuskatay dacaayado ay shirkada Jet-link ka faafisay amaanka Somaliland oo ay ku qortay warbaahinta dalka Kenya.

 

Wasiirka wasaarada Ganacsiga Somaliland ahna ku-simaha wasiirka Duulista Hawada Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo ku-simaha agaasimaha guud ee wasaarada Duulista Hawada Siciid Mahdi Ileeye oo shalay si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay xarunta wasaarada Duulista waxay sheegeen in shirkada Jet-link ay ku guul-daraysatay tartan ganacsi oo ay kula jirtay shirkadaha diyaaradaha ee ka hawlgala bariga Afrika, sidaa darteed ay dacaayad ka faafisay amaanka Somaliland.

Masuuliyiintani waxay si wadajir u sheegeen in shirkadaas ay ka joojiyeen gabi ahaanba shaqadii ay ka haysay, waxaanay tilmaameen inay soo saareen qoraal ay ku socod siiyeen dhamaan masuuliyiinta ay arrintanu khusayso.

 

Ku-simaha wasiirka Duulista Hawada Somaliland ahna, wasiirka Ganacsiga oo ka hadlay shirkaa jaraa’id waxa uu sheegay in amaanka madaarada Somaliland aanay wax iska bedelin jirin, xaalad amaan oo ku soo korodhayna aanay jirin. “Diyaarada la yidhaahdo Jet-link oo fasax ka haysatay wasaarada Duulista Hawada Somaliland, arrinta ay faafisay ee ay ku qortay jaraa’idada ka soo baxa dalka Kenya wuxuu ku saabsan yahay shirkayagan jaraa’id inaanu beenino oo aanu u cadeyno dadweynaha caalamka iyo dadweynaha reer Somaliland-ba inaanu jirin wax iska bedelay hab-dhaqankii  iyo xaaladii amaan ee madaarada Somaliland. Sidaa darteed shirkadaasi markii ay gabtay ee la tartami kari wayday shirkadihihii kale ayay marmarsiiyo ka dhigatay inay ceebayso oo ay dhaleecayso qaranka iyo adeega ay wasaaradu u hayso dalka, laakiin iyada ayaa ku guul-daraysatay inay la tartanto shirkadihii kale ee tartanka kula jiray.” ayuu yidhi wasiirku.

 

“Waxa kale oo aanu sheegaynaa inuu dhaqan-gal yahay qoraalka uu soo saaray agaasimuhu ee uu ku joojiyay shirkadaasi inay dalka ka shaqayso, maalinta uu soo baxay qoraalkani ayuu dhaqan-gal yahay in lagala noqday ruqsadii la siiyay shirkadaas, arrinta ay samaysayna wasaarad ahaan iyo qaran ahaanba kaga hadhi mayno safiirka u fadhiya Somaliland dalka Kenyana qoraalka waanu gaadhsiinay, isaguna shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo arrintan ayuu qaban doonaa.” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Ku-simaha agaasimaha guud ee wasaarada Duulista Hawada Somaliland Siciid Mahdi Ileeye ayaa isaguna faahfaahin ka bixiyay qaababka ay shirkada Jet-link ugu guul-daraysatay tartanka ay kula jirtay shirkadaha kale.

 

“Waxa jirtay diyaarad barigka Afrika ka diiwaangashan oo la yidhaahdo Jet-link oo aanu fasax siinay oo muddo dhawr bilood ahba halkan ka shaqaynaysay, todobaadkiina laba jeer imanaysay, waxa kale oo jirta diyaarad kale oo East Africa Safar oo iyaduna ka timaada Nairobi, labada diyaaradoodba Nairobi ayay toos uga iman jireen East iyadu wali way shaqaynaysaa, laakiin Jet-link laba jeer ayay iman jirtay todobaadkii, labadaas jeerna waxay keeni jirtay hal qof ama laba qof, hal qofna ama laba qofna way qaadi jirtay, markaa diyaarada East Africa la yidhaahdo ayaa ka horeysay oo shaqaynaysay muddo sanad iyo dheeraad ah, taasay isku eryayeen oo ay ka daba yimaadeen, anaguna ogolaansho ayaanu siinay, isku erigii ay isku eryayeen ayay Jet-link ka badin kari wayday East Africa oo ay ka adeeg fiicnaatay, markii ay tartankii ku guul-daraysatay ayay qiil ka dhigteen inay ina dacaayadeeyaan oo ay yidhaahdeen madaarkii Hargeysa waxaanu uga nimi nabadgelyo la’aan oo Al-shabaab ayaa ka buuxa.” ayuu yidhi ku-simaha agaasimuhu, waxaanu intaa ku daray.

 

“Waxaanu haddaba walaalayaal idiin sheegaynaa in diyaaradii East Africa Safari  ay soo saakadan (shalay subax) ay ka soo degtay madaarka Hargeysa, diyaaradihii Qaramada Midoobay sidoodii ayay u yimaadaan, haddii amaan darro jirto diyaaradaha Qaramada Midoobay ayaa ugu horeyn lahaa oo dalka ka carari lahaa, markaa wax nabadgelyo darro ahi ma jirto, shalay waxa timi diyaarad wayn oo oo siday wefti carab ah, diyaarad kale oo wefti Faransiis ah sida ayaa iyaduna timi, markaa nimankaasi dacaayada ay sameeyeen waxay islahaayeen Somaliland wax wayn ku yeela, iyagoo ku qarinaya dhibaatada iyaga soo gaadhay, markaa waxaanu caalamka u sheegaynaa in madaaradayadu ay amaan yihiin.”

 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland

into@berberanews.com