Berberanews- Dawladda Ethopia waxay dhawaan ku dhawaaqday qorshe ay ku dhisayso mashruuc ay ugu magac dartay “Biyo-xidheenka weyn ee Qarniga” oo noqon doona mid ka mid ah biyo-xidheenada ugu waaweyn dalalka Afrika oo soo saari doona 5,250 megawatt oo laydh ah, kaasoo laga dhisayaa meel u dhaw webiga niil oo 40km u jirta xuduudka Sudan.
Markii hadalkani soo baxay, ayaa Wasiirka tamarta dalka Masar Hussein al-Atfy waxa uu ka dalbaday dawladda Itoobiya in qiimayn deegaan iyo mid farsamo lagu sammeeyo mashruucan, isagoo ka digay in dalkiisu qiimayn ku sammayn doonaan daaasada lagu sammeeyo mashruucan ay keeni karto in Masar ay qaadi karto tallaabo Milateri haddii aan jawaab cad laga bixin dalabkooda. Haseyeeshee Wasiirka Khayraadka Itoobiya ayaa ku gacan-saydhay in Masar booqato goobta uu dhaamkaasi ka socdo.
Markii uu soo baxay damaca Itoobiya ku dhisayso biyo-xidheenkan waxay Masar bilowdey inay dhinacto badan oo caalamka ah cadaadis ka saarto Itoobiya, iyadoo 29kii bishii April wefti ka socda Masar oo uu ka mid yahay murashaxa madaxtinimmo ee doorashooyinka la filayo inay dhawaan dalkaas ka qabsoomaan iyo siyaasiyiin caan ah ay tegeen Addis Ababa oo ay la kulmeen masuulliyiin sare oo uu kamid yahay Raysal-wasaare Meles Zenawi oo ay ka wada hadleen sidii loo debcin lahaa xiisada cusub ee ka alloosantay labada wadan.
Ka dib muran 11 sanno oo uu socday wada-xaajood u dhexeeya wadamadad Wadaaga Biyaha webiga Nile, ayaa bishii May ee 2010 affar ka mid ah dalalka ku midoobey ( Ethiopia, Rwanda, Uganda, and Tanzania) ay saxeexeen heshiis cusub oo dhigaya sida loo qaybsanayo biyaha webig, kaasoo loogu magaxdaray CFA (Cooperative Framework Agreement) oo ka dhacay Entebbe, iyadoo bishii February 28, 2011 dalka Burundi ka mid noqday wadamada saxeexay.
Si kastaba ka ahaatee Masar way ku gacan-saydhay heshiiskii Entebbe ee qaybsiga biyaha webiga Nile oo ay ka biyo diiday qodobka dhigaya qaybiga biyaha ee ku saabsan nabadgelyda biyaha dalalka Nile, balse Itoobiya ayaa iyaduna shuruud ka dhigtay in marka hore Masar saxeexdo heshiiska, ka dibna ay u ogolaan doonaan inay soo tusaan dhismaha dhaamka.
Sida laga soo xigtay saraakiisha ammaanka Masar, waxay sheegeen in ciidammada dalka Masar in diyaargarow loo geliyay inay u feejignaadaan tallaabo kasta oo dhici karta, ka dib isku dayga Itoobiya ku bilaabayso dhismaha dhaamka cusub.
Mustaqbalka dhow waxa la saadaalinayaa in haddii aan xal loo helin xurgufta ka taagan biyaha Niil ee u dhaxaysa dalalka Masar iyo Itoobiya ay sababi doonto dagaal gacab-ka-hadal ah oo dhexmara labada dal, kaasoo cawaaqib xun ku keeno doona mujtamaca labada dal iyo mandaqadaba
Xog Ururinta waxa iska leh Berberanews
Email, info@berberanews.com