Sulub Daahir Bulaale
Mulkiilaha hotelka Cigaal ee Burco
Aniga oo ah muwaadin qurbojoog ah oo muddo dheerna qurbaha ku noola, lakiin sanadadii ugu danbeeyay dalka dib ugu soo laabtay,islamarkaana maalgashaday dalkiisa hooyo oo aan aaminay, kana sammeeyay Hudheelka Cigaal ee ku yaal magaalada Burco.
Waxaa muddooyinkii u danbeeyay indhahayga si weyn u soo jiitay isbedelka ballaadhan iyo horumarka ay ku tallaabsadeeen magaalooyinka Berbera iyo Burco oo laga hirgeliyay wax qabad la taaban karo oo 20kii sannadood ee Somaliland jirtay aan ka hirgelin.
Waxaan aad uga amaanayaa dadwaynaha labadaas degmo oo iyguna kalin wayn ka qaatay horumarka ka hirgalay oo aan la’aantood waxba qabsoomeen, waxaanan ku talinayaa in abaalmarin la guddoonsiiyo madaxda iyo masuulliyiinta hormoodka ka ah isbedelka, si ay u dhiirigeliso madaxda kale.
Isbedelka iyo waxqabadka ka muuqda magaalooyinkan waxa hormood u ah Maayaradda Burco iyo Berbera Maxamud Xasan Dhago laab iyo Cabadle Maxamed Cali (Sandheera) oo muujiay wax qabad lataabankaro oo waxqabadkoodu yahay mid wax wayn ka bedelay bilicidii iyo horumarka magaalooyinkaas.
Dadwaynaha reer Somaliland waxay aad u soo dhaweeyeen ugana mahad naqeen madaxda labadaas degmo oo hormood u noqoday dhamaan maayarada dalka kuwaas oo tusaale fiiican u noqdaya dadku inay wax qabasan karan iyagoo aan cidan baryin oo iyagu isku filaan kara.