Muqdisho (Berberanews)- Kooxda Al-shabaab, ayaa jawaab kulul ka bixisay qorshe Maraykanka iyo xulafada NATO ku doonayaan inay weerarro dhinaca cirka ah kaga fuliyaan goobaha kooxdaasi ka taliso ee dalka Soomaaliya iyo dhawaaq ka soo yeedhay dawladda Jabuuti oo ay ku sheegtay inay Muqdisho u dirayso ciidammo Al-shabaab la dagaallama.
Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo magaalada Muqdisho ku qabtay shir-jaraa’id shalay, waxa uu cambaareeyey hadal ka soo yeedhay ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaanjo oo Maraykanka iyo NATO kaga codsaday inay weeraro dhinaca cirka ah ku qaadaan deegaannada Al-shabaab ka taliso ee waddanka Soomaaliya.
Waraysi oo dhawaan ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya siiyey wargeyska The Wall Street Journal ee ka soo baxa waddanka Maraykanka, waxa uu ku sheegay inay soo dhawaynayaan weerarro dhinaca cirka ah oo lagu qaado Soomaaliya iyo dawladda Sheekh Shariif ilaalinayso ammaanka dalalka reer galbeedka, maadaama ay dagaal kula jiraan kooxda Al-shabaab.
Afhayeenka Al-shabaab oo waraysigaas daba socday, ayaa sheegay in dawladda Sheekh Shariif, dalalka reer galbeedka wakiil uga tahay duullaan uu tilmaamay in lagu soo qaaday ummadda Soomaaliya, waxaannu shacabka ugu baaqay inay meel ugu soo wada jeestaan sidii ay isaga difaaci lahaaayeen duullaanka lagu soo qaaday.
Waxa kaloo uu Sheekh Cali Dheere shacabka Jabuuti uga digay in aanay ka qayb qaadan dhibaatda shacabka Soomaaliya, isaga oo xusay in Jabuuti aan xilligan looga fadhiyin inay ciidamo u soo dirto Soomaaliya, kuwaas oo ay doonayaan inay ka barbar dagaallamaan kuwa dawladda Sheekh Shariif iyo AMISOM.