Midawga Afrika oo masuuliyiinta dawlada TFG ugu baaqay qabashada doorasho Madaxweyne

Muqdisho, 17, May 2011-(Berberanews)- Ergayga Midowga Afrika uga wakiilka ah Soomaaliya horena u soo noqday madaxweynaha dalka Gana, Jerry John Rawlings ayaa sheegay inay muhiim tahay in hay’adaha dastuuriga ah ee TFG ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorasho.

Mr Rawlings ayaa hadalkan ka sheegay intii uu socday kulan uu Addis Ababa kula yeeshay horraantii toddobaadkan ra’iisal wasaare ku-xigeenka Itoobiya ahna wasiirka arrimaha dibadda Haile Mariam Desalegn.

“Waxaan ugu baaqaynaa madaxda hay’adaha TFG inay xalliyaan khilaafkooda inta aan la gaadhin xilliga doorashada la qabanayo, oo ay kawada shaqeeyaan sidii doorasho ay u dhici lahayd,” ayuu yidhi Rawlings.

John Rawlings iyo Haile Mariam ayaa waxay hoosta ka xariiqeen in la qabto kulan lagu dhexdhexaadinayo xukuumadda TFG iyo baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo sheegay inay laga maarmaan tahay in la xoojiyo nabad raadinta dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay isku raaceen in loo baahan yahay in xilliga loo qorsheeyay ay ku qabsoomaan doorashooyinka madaxweynenimo ee Soomaaliya, lana xaqiijiyo in la sameeyo dib u habeyn, ka dib marka ay doorashadu dhacdo.

Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Mr Rawlings wuxuu intaas ku daray in isha lagu hayo dhaqan-galka heshiis ay garabyada Ahlusunna ku gaadheen magaalada Addis Ababa maalmo ka hor, isagoo ku boorriyay inay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab.

Hadalka ergayga ururka Midowga Afrika uga wakiilka ah Soomaaliya ayaa imanaya xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka ku saleysan xilliga ay dhacayaan doorashooyinka, iyadoo xukuumaddu ay ku baaqday in sannad dib loo dhigo, balse xubnaha baarlamaanku ay go’aankaas kasoo horjeesteen.