Sheekh Toddoba Sano Somaliland Argagixisanimo ugu xidhnaa oo la sii-daayey, Cafiska lagu fasaxay iyo Dareenkiisa

Hargeysa(Berberanews)- Maanta ayey dawladda Somaliland xorriyadoodii u soo celisay labadaa Wadaad, ka dib markii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) cafis u fidiyay Culimadaas.  Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil waxa uu jeelka Hargeysa ku xidhnaa toddobadii sannadood ee la soo dhaafay, halka Muuse Cali Aw-Yuusuf isaguna ku xidhnaa muddo lix sannadood ah.
Cabdiraxmaan Sh. Cumar oo ka mid ah Ehelada Sheekh Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in codsigoodii Madaxweynuhu ka aqbalay oo xorriyadiisii loo soo celiyay sheekha. “Waxaan rabaa inaan dareenkayga u soo gudbiyo umadda reer Somaliland anigoo ku hadlaya afka Ehelada Sheekh Maxamed Sh. Ismaaciil waxaan mahadnaq balaadhan u soo jeedinaynaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) anagoo uga mahad celinayna sii daynta Sheekha. Ayuu si kooban u yidhi Cabdiraxmaan Sh. Cumar.
Sidoo kale, Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sii dayntiisa. “Waxaan xidhnaa muddo todoba sanadood ah, aad iyo aad ayaan u faraxsan nahay waxaan ugu horayn u mahad naqaynaa ILAAHAY oo fadliga iyo deeqda bixiya, Jeelkuna wuu kadeed badan yahay daalna wuu iga muuqdaa waayo muddo badan ayaan caalamka ka maqnaa.” Ayuu yidhi Sh. Maxamed.
“Waxa igu haboon inaan u mahadnaqo ummadda Islaamka ah iyo wixii magacayga yaqaana, cidii xadhigaygu cidhiidhiga ku ahaa iyo cidii ka hawl gashay sii dayntayda, waxaad moodaa inaan u ekahay ilmo yar oo imika soo dhashay oo uurkii hooyadda ka soo baxay mar labaad,” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Ismaaciil oo maanta u warramayay laanta Afsoomaaliga ee VOA-da.
Sheekh Ismaaciil oo hadalkiisa sii wataa waxa intaasi raaciyay; “Insha allaha  inaan hadanaa fayl cusub iyo nolol cusub inaan bilaabo ayaan rajaynayaa Ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu igu garabgalo. Ayuu yidhi Sheekh Ismaaciil Sheekh Maxamed
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.