Burco: Dabaaldegii u ballaadhna abid oo saaka laga sameeyey G/Togdheer iyo shucuurctii shacabka ee Saaka.

Waxa saaka aroornimadii hore guud ahaanba shacabka ku dhaqan magaalada Burco isugu soo baxeen dabaaldeggii u ballaadhnaa abid ee laga sameeyo gobolkani Togdheer, waxaana dabaaldegga iyo Bannanbaxani saaka uu dadka soo xasuusinayey ololihii Doorashada madaxtinimada dalka ee bishii june ee sannadkii hore ka dhacay dalka somaliland, xilligaas oo dadweynuhu iyagoo kooxkoox ah isugu soo bixi jireen jidadka waaweyn iyo fagaraha khayriyadda Burco.
Waxaa saaka dhammaanba bulshada Togdheer ay kaga duwanayd oo keliya ololahii doorashada in Dhammaanba Tageerayaashii saddexda xisbi, ardaydii Dugsiyada iyo Guud ahaanba shacabkaTogdheer iyagoo gacmaha is haysta ay mar qudha ka so wada Baxeen Jidadka waaweyn ee Magaalada Burco socod dheer na ku yimi fagaraha khayriyadda Burco.
Masuliyiintii saaka kala qaybgashay dabaaldegga 18ka may fagaaraha khayriyadda Burco na dadka kala hadlay waxa kamid ahaa, wasiirka xanaanada Xoolaha Dr.Cabdi aw- Dahir cali, wasiirka Macdanta iyo Biyaha,xildhibaan Axmed Cumar Sanwayne, mujahid maxmed kahin axmed,badhasabka gobolka togdheer yasin muxumed cabdi, iyo weliba Maayarka Degmada Burco Maxmud Axmed Xasan Dhegolaab.







Khudbadaha ay dhammaanba masuliyintu halkaas ka jeediyeen ayaa lagaga hadlay sida shacabka jamhuuriyadda somaliland ay uga midaysanyihiin horumarka iyo ictiraaf raadinta dalkan jamhuuriyadda Somaliland.
Erayada shacabka togdheer ay saaka ku dhwaaqayeen halkudhiggana u ahaa ayaa ahaa “Siiya siiya, somaliland aqoonsiga siiya” iyo ereyo kale.
Waxaa ciyaaro nooc walba leh isla fagaaraha saaka ku soo Bandhigay Dhalinyarada (Circ us) ee Havoyoco, waxaana jawiga fagaaraha ee saaku ahaa mid gebi ahaanba soojiidanayey quluubta Cid kasta oo Daawata amaba goob joog ahayd.
Ugu Danbaynti waxa Guud ahaanba dadweynuhu iyagoo wata calanka somaliland iyo Boodhadh ay ku xar dhan yihiin magacyada Dugsiyada,ururada, shirkadaha iyo hay’adaha gaarka ah ee ka qaybqaadanayey Dabaaldegga 18ka may ee saka ay socod dheer ku kala bixiyeee guud ahaanba jidadka waweyn ee isaga kala dhex baxa Gudaha Magaalada Burco, iyadoo ay xusid mudantahay in jaaliyadda beelaha jareer weyne ee koonfurta somaliya ee qaxoontinimada ku jooga Burco ay dhinacooda dabaaldegga maanta kala qaybqaateen shacabka Togdheer.