Nuxurka Khudbadihii Madaxda Berbera U Jeedisay Dadweynaha Ee Xuska 18ka May


Berbera-(Berberanews)- Masuulliyiinta Gobolka Saaxil iyo kuwa degmada Berbera, ayaa maanta fagaaraha Khayriyadda 26ka June dadweynaha Reer Berbera u jeediyay khudbado ku saabsan munaasibadda 18ka May.

Badhasaab ku xigeenka gobolka Saaxil Khadar Cali Cilmi oo fagaaraha ka hadlay, ayaa mahadnaq u soo jeediyay ganacsatada, bulshada iyo ururada ka qaybgalay xuska 18ka May, waxaannuu yidhi,  “Waxaan maanta halkan si balaadhan uga salaamayaa dhamaan shacabka reer Berbera ee sida quruxda badan uga soo qayb galay xuskan qaaliga ah waxaan salaamayaa wakaaladaha ka soo qayb galay, bulshada qaybaheeda kala duwan ganacsatada,ururada bulshada ee sida wanaagsan isu soo abaabulay waxaan leeyahay hawshinii waad gudateen gobolka Saaxil maanta wu isku tashaday waxaan idiin rajaynayaa aqoonsi in aan xuskan kiise kale ku gaadhno ayaan idiin rajaynayaa waana mahadsantihiin.”

 
Mayaarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab, ayaa isaguna yidhi, “Marka hore aad iyo aad ayaan idiin salaamayaa dhamaan bulsho waynta reer Berbera, iyadoo maanta aynu dhamaan bulshada Somaliland kala qayb qaadanayno dabaal dega wayn, iyada oo illa saaka aynu milic taagnay oo cadceedu kulushahay  hadana  taa dareemi mayno, waayo waxaynu xusaynaa malalin aynu u soo hurnay naf iyo maal waana 20guuradii ka soo wareegtay gooni isu taageenii.”

Maayar Cabdalle waxa uu ka hadlay qiimaha ay maalintani qaranka u leedahay, “Maanta caalamka waxaa laga daadawaanayaa dabaaldega Somalailand ka dhacaya waa taa aynu nabada halkan ku joogno waxaynu soo marnay halgan dheer kaasina wali muu dhamaan waxaan doonayaa in aan wax yar ka idhaahdo kalmadan aqoonsi horta aqoonsi waa marrka aynu inagu is aqoonsano oo sidaa u wada joogno oo nabada ilaashano weeyaan,laakin maanta waxaan calaamku u diraynaa fariin  caalamka wadan nabada oo doorashooyin ugu quruxda badnay ay halkan Somaliland ka dhacday waxaan u ahad celinayaa gudidii qabanqaabada xuskan waad mahadsantihiin.”


Maxamed Axmed Baashe Talaata Codle oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa ka hadlay doorkii gobolka Saaxil ka soo qaatay gooni isu taaga Somaliland, waxaannuu yidhi,” Waxaan marka hore salaam u dirayaa dhamaan shacabka Somaliland meel kastay joogaan ,waxaan kaloo salaamaya maamulka gobolka Maayarka, Badhasaabka, maareeyaha marti sharafta kale ee ka soo qayb gashay Waxaan leeyahay waad salaamantahiin arrinta maantu aqoonsigii dalka waa xorayntii dalka waxaana kaalin laxaad leh ka qaatay waa gobolka saaxil,waa hooyadii dalka waa halkii dalka laga xoreeyay waa tii dalkan soo saartay anigu ciidankii u horeeyay ee dalka soo galay ayaan ku jray ininka labaatan jirka ahi maanta waxba kama oga.” Ayuu yidhi


Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews,com