Madaxweynaha Somaliland Oo Cafis U Fidiyay 751 Maxbuus.

Hargeysa (Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa cafis u fidiyay maxaabiistii ugu badnayd ee ku xidhan jeelasha dalka, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 751 Maxbuus.
 
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wuxuu sidaasi ka sheegay xaflad xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada oo lagu xusayay sanad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax banaanida Somaliland.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in maxaabiistan uu u cafiyay si ay shacbiga Somaliland ula wadaagaan farxada dabaal dega munaasibada sanad guurada labaatanaad ee ka soo wareegtay qaranimada Somaliland oo shalay dalka Gudahiisa iyo dibadiisa laga xusay.
Sidoo kale, waxa uu ,Maxweynaha Somaliland todobaadkan xorriyadoodii u soo celisay labadaa Wadaad, ka dib markii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) cafis u fidiyay Culimadaas.  Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil waxa uu jeelka Hargeysa ku xidhnaa toddobadii sannadood ee la soo dhaafay, halka Muuse Cali Aw-Yuusuf isaguna ku xidhnaa muddo lix sannadood ah.
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland