Somaliland: Waxaan il-maynayey qaddar daqiiqado ah!Warbixin Xiisa badan

Warbixin Xiisa badan: Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal Fallaadhaha Cadceedda ayaa ku dhacayey Xareed aan badnayn oo inta badan jiiftay meelaha godanka ama biyo-qabatinka ah ee dhulka. May jirin meel boodh ka kacayey, dhulkuna ma lahayn dhiidhi ama dhoobo la dhibsado.
May ahayn kulayl iyo qabaw toona, ee Cimaladu waxay ahayd mid aad u deggan oo leh jewi aad u qurux-badan. Illaahay (SWT), waxa uu inta badan Cirka ku shaqlay Daruur sida Dhirta oo kale loo hadhsanayey.. Siddeed saacadood oo kale ka hor waxa da’ay Roob lagu qabawsaday oo si fiican dhulka u rusheeyey, wixii boodh ama siigo kici lahaana nabay oo Cammuudda korkeeda qurxiyey ama bilay.

Waxay sidoo kale, Gantaalaha ay ganaysay Qorraxda Subaxnimo ku dhacayeen midabbada Cagaarka, Caddaanka iyo Casaanka isugu jira ee uu ka kooban yahay Calanka oo ah Astaanta Qaranka Somaliland oo la odhan karo waa mid Bilic u saaxiib ah. Kaasoo ay lulayeen, qaarkoodna ku labbisnaayeen kumannaan qof oo reer Somalilnd oo isugu jiray Waayeel, Dhalinyar, Carruur, Rag iyo Dumar, Xil-haye iyo Xil-mahaye, isugu soo baxay Xuska 20-guurada ka soo wareegtay la soo noqoshadii Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo ku buuxday 18-kii bishan May ee shalay, taasoo guud ahaanba dalka Somaliland iyo dalalka dunida ee ay ku dhaqan yihiin dadka reer Somaliland si aan hore loo arag shalay uga xuseen ama looga dabbaal-degay 18 May.

5:40-tii (shantii iyo afartan daqiiqo) ee subaxnimadii shalay markii Salaadda Subax laga soo baxay ka dib, ayey ahayd markii aan guriga ka soo baxay, isla markaana u qalab-qaatay gudashada waajibaadka Qaran ee aniga isaarnaa oo ahayd inaan maalintaa si fiican xog-ogaal ugu noqdo, isla markaana aan bulshooyinka caalamka u gudbiyo dhacdooyinka 18 May iyo sida maalintaa looga xuso Caasimadda Hargeysa oo Dabcan aan ku sugnaa.

Intaan marayey Jidka u dhexeeya Guriga aan ka soo baxay illaa Madaxtooyada, waxay indhahaygu qabanayeen dad si teel-teela u socda oo Haween iyo dhalinyar u badan, kuwaasoo Labbiskooda ama dharka ay xidhnaayeen oo Calanka Somaliland ka tolan, kasokow qaarkood Wejiyadooda ku xardheen midabbada Calanka Somaliland iyo Ciidammada Booliska, Millateriga iyo nabadgalyada waddooyinka oo dhinacyada waddooyinka taagan, si weyna ula socday dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka waraaqda dhaqdhaqaaqa haystay, maaddaama oo Baabuurta socodkooda la mabnuucay illaa inta laga gaadhayo 11:-ka maalinnimo. Lixdii iyo labiyo toban daqiiqo (6:1200), ayaan is-hortaagay Kidinka laga galo Qasriga Madaxtooyada oo ahayd Barta koobaad ee loogu talagalay inay Weriyayaasha Warbaahinta dalka iyo kuwa Caalamiga ahiba hawshooda shaqo ka bilaabaan.

Ciidammada Bamboyda loo yaqaanno oo si saf ah u taagan goob Waqooyi kaga began Iridda Madaxtooyada, ayaa kaga sanqadhinayey qalabka kala duwan ee ay caanka ku yihiin tumistiisa. Waxa markii u horreysay muddo toban sano ah jidka Madaxtooyada hormara gaardis ku maray Ciidammada Qalabka Sida ee Qaranka, Xeebaha, Booliska, Asluubta, kuwaasoo qolo waliba sidatay Astaanteeda gaarka ah, kuna labbisnaa diraysyada kala nashqadda ah, ayey salaan ka qaateen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo kuxigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil oo taagnaa goob laga dhisa dhinaca Bidix Kidinka Qasriga ee dibadda Dayrka, looguna talagalay inay Salaanta ku qaataan oo lagu xardhay Calanka Somaliland midabbadiisa, laguna qoray weedho Luuqado qalaad ah oo Luuqadda Soomaaligu ku jirin oo muujinaya waajibaadka inay Dunidu aqoonsato Somaliland oo dhinaca Bidix ee Albaabka Qasriga laga galo laga hor-dhisay, halkaas oo ay Madaxweynaha iyo ku-xisgeenkiisa dacallada ka taagnaayeen Taliyayaasha Ciidammada Qaranka (Millateriga), Booliska, Ilaalada Xeebaha Badda, Asluubta, qaar ka mida Golaha Wasiirrada Somaliland, Masuuliyiinta Xisbiyada Siyaasadda ee UDUB, UCID, iyo KULMIYE, Wefti ka socda dawladda Jabuuti iyo Madaxda Golayaasha Qaranka Somaliland.

Waxa iyaguna halkaa socod gaardis ah ku maray, Ururrada, Bulshada ra’yidka ah, Ururrada Ganacsatada, Ardayda Jaamacadaha, Kuwa Dugsiyada Sare, Dugsiyada Hoose iyo kuwa dhexe, Hay’adaha Madaxa Bannaan ee dawladda iyo Wasaaradaha, kuwaasoo ku labbisnaa qolo waliba Labbis ay qurux u bideen inay maalintaa Dirays ahaan u xidhaan, waxay lulayeen Calanka Somaliland. Waxay kor u u hayeen iyaga oo wandaafinaya Boodhadh waaweyn oo qolo waliba ay si gaara ugu xaradhay Magaca Ururka, Hay’adda iyo Wasaaradda ay ka socdaan, 18-ka May, iyo qoraallo ay ku dalbanayeen inay Bulshada caalamku aqoonsi buuxa siiso. Ururka Hiliblayaasha ee Nafaqo ayaa laba Awr oo Calanka la huyey Madaxweynaha ku hormaray. Shaqaalaha Hay’adda Korontada ayaa iyagu Mootooyin socodkooda lagu beegayey hab-dhaca qalabka ay kooxda Baanboydu tumaysay. Kuwaasoo cid kasta oo daawanaysay iyo Masuuliyiintuba aad ula dhaceen qaabkooda. Waxa sidoo kale, indhaha dadka aad u soo jiitay Askar Ciidanka Qaranka ka tirsan oo iyagu ku dabbaal-degayey Fardo aad u qurux-badan.
Haddaba, dadka kala duwan ee muujinayey Shucuurta Qarannimadooda ee marayey Madaxweynaha hortiisa, waxay da’doodu u dhaxaysay 8-jir illaa 70 jir. Markaa, waxa iga tan badatay qiirada maalintaas, sidaa daraaddeed, waxay indhahaygu hayn kari waayeen Ilmo, muddo daqiiqado ah ayaan il-maynayey, Xabbad Sooftiga nooca jeebka lagu qaato ah dhawr midh oo ka mid ah ayaan isticmaalay oo aan ilmada iskaga tiray ama iskaga masaxay. Haddana illaa saddex jeer oo kale ayaan is arkay kobla aniga oo ilmaynaya, markaasaan shaqada dibadda uga baxaa oo aan iska masaxaa. Hase ahaatee, ilmadaas kali kumaan ahayn, balse in badan oo dadweynaha ka mida ayaa ila qabay oo aad dareenkoodu isu beddalay farxadda iyo qiirada muuqatay awgeed.
Dabcan, haddaan mar kale fasiraad ka bixiyo, waxa iga ilmaysiiyey, waxaan arkay waxaanan filaynin, isla markaana aanan shalay ka hor goob-joog u noqon, waayo? Inaan shaashad ama Muraayad TV ka daawado mooyee weli shalay ka hor Munaasibad tan oo kale ah oo guud ahaan dawlad iyo Shicib laga siman yahay oo 8 illaa 70 jir isku labbis iyo isku tallaabo ka dhigtay kamaan xaadirin. Dabcan waxaan aad ugu qushuucay, da’da isu Awoowada ah, isu  Ayeeyada ee rag iyo Dumar 70 jir illaa 8 jir isku dareenka iyo isku jewiga ka dhigtay.
Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, ayaa intii ay marayeen Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo qaybaha Ardaydu waxay iyaga oo dhoolla-caddeynaya, isla markaana aad u faraxsan mid waliba gacantiisa Midig kor u lulayey iyaga oo Salaamaya, taasoo ay labada dhinac is-weydaarasanayeen. Madaxweynaha, Ku-xigeenkiisa, Taliyayaasha Ciidammada kala duwan iyo Masuuliyiinta Xisbiyada ayaa marka qaybaha Ciidanka oo ugu dambeeyey marayeen si gaar ah u qaadanayey Salaanta Ciidammada. Waxa mararka qaar lumayey nidaamka, isla markaana waxa meel u dhaxaysa Ciidanka Baanboyda iyo Madaxweynaha u  oo aan loogu talagelin ama ka caaggan in cidi istaagto oo qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumaddu sawirro iskaga qaadayeen, halka qaar kalena si aan loo baahnayn u dhex marayeen.
Saacad iyo dheeraad ka dib, Sagaalkii Subaxnimo iyo waxoogaa, Madaxweynuhu markii uu Salaanta Ciidammada oo socodka lagu soo afjaray dhammaystay waxa uu tagay Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee magaalada Hargeysa oo Masaafo ahaan aan ka fogeyn Madaxtooyada, halkaas oo qorshuhu ahaa inuu Madaxaweynaha Somaliland ka jeediyo Qudbaddiisa 18-ka May. Markaas ayaa dadweynihii Gaardiska ka daawanayey Cusbitaalka guud ee Caasimadda hortiisa, waxay mar qudha u dhaqaaqeen dhinaca Beerta Xorriyadda, tirada dadka oo aad u badnayd awgeed waxa qaadi waday gudaha Beerta Xorriyadda, taasoo sababtay inay Ciidammadu Rasaas ku furan dadka oo u socday, rabayna inay gudaha galaan, hase ahaatee ay Askartu ka hor istaageen.
Intaanu Madaxweynuhu khudbaddiisa bilaabin, waxa Riwaayad, Heeso, iyo Ciyaaraha Hiddaha iyo dhaqanka halkaa ku soo bandhigay qaybaha Fannaaniinta kala duwan. Khudbad dheer oo uu Madaxweynuhu Fagaaraha Xorriyadda ka akhriyey, ka dib, dadku way kala dareereen iyaga oo aad u qiiraysan, intooda badanna daal ka muuqdo. Intii Beerta Xorriyadda lagu socday waxay Askartu garaaceen Weriyaha Idaacadda VOA Hargeysa u jooga Ismaaciil Xuseen Farjar oo ay dhaawacyo gaadhsiiyeen isagoo doonayey inuu galo gudaha Beerta si uu Codadka u duubto. Inkasta oo dadku iyaga oo nabadgalyada illaalinaya si deggan u kala dareereen, haddana Wiilal yar-yar oo dhallinyaro ah oo u badnaa da’da dhigata Dugsiyada  Dhexe iyo Kuwa Sare, ayaa waxoogaa dhibaato ah sameeyey, isla markaana Boob iyo isdil bilaabay, kuwaasoo qaarkood Middiyo isla dhaceen ama isku dhufteen, qaar kale is-dakh-dhakhreen, Dadka qaarkood Hablo u badan ayey Taleefannada Gacanta lagu qaato, Calamadda ay sitaan iyo wixii la mid ah ka daffeen ama ka xoogeen, hase yeeshee, Ciidan Boolisa oo kaga horyimi agagaarka kidinka laga soo galo Suuqa Hargeysa marka Beerta Xorriyadda laga yimaaddo ayaa kala eryey.
Si kastaba ha ahaatee, shalay waxay Somaliland u ahayd maalin weyn oo aan nooceeda badi dadka maanta joogaa sidan oo kale goob-joog ugu noqonnin ama sida tani dareenkooda u kicisay mid ka horreysay u kicin, gaar ahaan da’yarta aan isleeyahay waad ka mid tahay iyo weliba inta ka sii yar-yar oo la odhan karo waa tirada ugu badan qaybaha bulshada Somaliland. Hase-yeeshee, ka qaybgalka Xuska 20-guurada la soo noqoshadii Xorriyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee18-ka May 2011, waxa uu aniga igu kordhiyey wax aad u weyn haddii aan kaga dhabeeyo ama muujiyo dedaalka hadafka ay igu abuurtay ku gaadhi karo, kaasoo ah inaan ku dedaalo sidii aan maalmaha noloshayda sida Madaxweyne Axmed-Siilaanyo Salaanta Qarannimo uga qaatay Ciidammada iyo guud ahaan qaybaha kale ee Bulshada Somaliland inaan maalin ka mid ah u qaato haddii Illaahay yidhaahdo, inkasta oo ay taasi tahay wax ku xidhan Qaddarka Eebbe (S.W.T) iyo dedaalka shaqsiyadeed ee dhinacayga oo lafteedu ku xidhantay waafajinta Rabbi, haddana aniga tani waxay I gelisay Han Madaxweynenimo…!.  Waxaan kaga baxayaa Somaliland ha nooolaato.