War-saxaafadeed: Ururka Somaliland Forum

Ururka Somaliland Forum wuxuu salaan , hambalyo iyo bogaadin hawada u marinayaa dhamaan shacbi weynaha Jamhuuriyada Somaliland meel kasta oo ay joogaan munaasabadda sannad guurada 20aad ee ka soo wareegtay maalintii shacbiga Somaliland dib ula soo noqday dawladnimadii ka luntay 1960 kii iyo dibu dhiskii Jamhuuriyada Somaliland.
Ururka Somaliland Forum isagoo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay maalinta 18 ka May, Wuxuu ugu hambalaynaya isla markaana ku faraxsan yahay guud ahaan shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan sida ay isugu soo baxeen ee ay adduunka u muujiyeen inay yihiin qaar isku duuban una taagan taageerada dalkooda.
Shacbiga Reer Somaliland waxay u qalmaan inay helaan aqoonsi buuxa kaas oo ay u soo mareen halgan  dheer oo qadhaadh oo naf iyo maalba leh , nabadayn iyo walaalayn dhexdooda ah , dimuqraadiyad iyo doorashooyin xor ah   iyo dhisme hannaan dowladeed oo la jaanqaadi kara adduunweynaha casriga ah, dhamaan kuwaasi  waxay ka dhigeen  18 Ka May malaintii aasaaska , Xoriyada ,midnimada ,walaalaynta , nabada iyo jiritaanka umadda reer Somaliland.
Horumarka iyo Dimuqraadiyada ka hano qaaday Jamhuuriyada Somaliland waa mid aan indhaha laga qarsan karin sidaa darteed urur ahaan waxaanu adduun weynaha ugu baaqaynaa inay aqbalaan xaqiiqada jirta iyo rabitaanka shacbiga nabadda jecel ee Somaliland.
Ururka Somaliland Forum wuxu ku dhiiri galinayaa bulshada Jamhuuriyada Somaliland inay halkaa ka sii wadaan midnimada , horumarka iyo nabada ay ku talaabsadeen 20 kaa sanadood , Ilahayna sannadka sannadkisa ha inagu gaadhsiiyo Ictiraaf iyo aqoonsi buuxa.
ugu danbayntii , Ururka Somaliland Forum waxa uu u mahadnaqayaa dhamaan bulshada reer Somaliland ee sida wayn isugu soo baxay si ay u xusaan maalintan qiimaha badan. Waxaanu u mahad naqaynaa dhamaan ururrada bulshada ee iyagu sida gaarka ah xilka isaga saaray abaabulka isu soo baxyada ka socda caalamka oo dhan ee dadweynuhu ay ku muujinayaan shucuurtooda. Waxaanu ku hambalyaynaynaa dowladda Somaliland iyo xisbiyada qarankaba sida mugga leh ee ay uga qayb qaateen xuska maalintan iyada ah.
 
 
 
Somaliland ha noolaato !!  Guul iyo Gobonimo!!
Illahay Baa Mahad Leh!!.
Ururka Somaliland Forum