Mid Ka Mid Ah Xildhibaannada Ugu Mudada Dheeraa Golaha Guurtida Oo Ku Geerioodey Dalka Itoobiya

Hargeysa-(Berberanews) -Xildhibaan ka tirsanaa golaha guurtida Somaliland ayaa ku geeriyooday salaasadii 17 May 2011,  dalka Ethiopia oo xaalad caafimaad loogu qaaday.
Ala Hawnaxariistee Marxuum C/raxmaan Maxamed Muuse oo mudo dheer ka mid ahaa aqalka Odayaasha guurtida Somaliland  lagu aasay magaalada Hargeysa.
Marxuum C/raxmaan oo ka mid ahaa xubno fara ku tiris ah oo ka hadhay odayaashii ugu mudada dheeraa golaha guurtida ayaa mudooyinkii u danbeeyay ahaa bukaan.
Wuxuuna ka mid ahaa xubnaha ugu Af-gaaban golaha, isagoo caan ku ahaa inuu mar walba wacdiyo golaha oo uu ka gaabsado doodaha siyaasadeed ee mararka qaar golaha ka abuura xaasaasiyada, isla markaana inta baddan fadhiyada golaha ku furi jiray aayadaha quraanka kariimka ah. Wuxuu ahaa adoon degan oo akhlaaq baddan, af-gaaban oo golaha wacdiyi jiray, waxaana illaahay uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo  sidaa waxa yidhi, Xildhibaan C/raxmaan Sh Yuusuf Sh Madar.
Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland ayaa ka tacsiyadeeyay golaha guurtida, qoyskii uu ka baxay marxuumku iyo shacbiga Somaliland. Sida lagu sheegay qoraal tacsi ah oo kasoo baxay madaxtooyada Somaliland, kaas oo u qornaa sidan;-   “Madaxweynaha JSL. Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu ka tacsiyadaynayaa  Golaha Guurtida JSL, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo  Shacbiga reer Somaliland ee uu Ka Baxay MARXUUM CABDIRAXMAAN MAXAMED MUUSE oo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Guurtida oo ku Geeriyooday Dalka Ethiopia.
Madaxwaynuhu wuxu  Illaahay uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii iyo Dhamaan Shacab-ka Reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuunku uu samir iyo iiman ka siiyo.
IN-NAA ILLAAHI WA IN-NAA ILLAAHI RAAJUCUUN
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.”
Sidoo kale maamulka iyo hawlwadeenada shebekada Araweelonews waxay taa la mid ah u dirayaan golaha guurtida Somaliland, qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum C/raxmaan Maxamed Muuse oo ka mid ahaa aqalka Odayaasha guurtida waxayna illaahay uga baryayaan inuu naxariistii jano ka waraabiyo iyagana samir iyo iimaan ka siiyo.