Alle Ha Naxariistee Hal Qof, ayaa Ku Dhintay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Duleedka Tuulada Xammaas ee Gobolka Saaxil

Berbera-(Berberanews)-Alle haw naxariistee hal qof ayaa ku dhintay shil gaadhi oo ka dhacay jida isku xidha Berbera iyo Hargaysa gaar ahaan duleedka tuulada Xamaas.
Wariyaha shebekeda Berberanews ee gobolka saaxil khaddar Jama Xaashi oo booqday goobtii shilkaasi ka dhacay ayaa indhahiisa u soo aray gaadhigan oo noociisu ahaa Markii isla markaana ah kuwa ka shaqeeya qaada oo markii uu shilkaasi dhacay siday jaad uu u siday magaalada Berbera kaas oo ay u qarxeen laba taayir.

Alle haw naxariistee waxaa shilkan ku geeriyooday marxuum Maxamuud Cali Cabdi oo uu weheliyay dareewalka gaadhiga waday oo isagu a badbaaday shilkaas.

Gaadhi Ambalaas ah oo maamulka gobolka Saaxil  ugu talogalay in loogu gurmado shilalka gaadiid ee ka dhaca wadada, ayaa markiiba soo gaadhay goobtas kaas oo markiiba u qaaday dhinaca  magaalada Berbera.

 
Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews.com