Madaxweynaha Somaliland iyo Marwadiisa oo la guddoonsiiyay Billado Dahab ah iyo Hadyado

HAHargeysa (Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Marwadiisa Aamina Sheekh Maxamuud Jirde, ayaa maanta la kala guddoonsiiyey Shahaado iyo Billad-sharaf Dahab ka samaysan.
Ismaaciil Sh. Axmed Guuleed (Khumayni) oo ka mid ah Qurba joogga reer Somaliland ee deegaanka waddanka Denmark, ayaa Hadyad ay ku jiraan Billado Dahab ah iyo Agab kale guddoonsiiyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), halka Billadda kalena ay guddoonsiisay Marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamuud Jirde Nuura Ibraahin Ileeye.
Hadyadaha kale ee la gudduunsiiyay Madaxweynaha ayaa waxa ku jiray khariidda Somaliland oo ay ku sawiran yihiin dhammaanba Madaxweyneyaashii u kala dambeeyay talada waddanka Somaliland iyo Madaxweynaha hadda talada haya laftiisuba. Iyo
sidoo kale Mapka Somaliland oo uu hoggaaminayo Awr lagu tusaaleeyay Xoolaha nool ee ay Somaliland hodanka ku tahay.
Kaasi oo uu si farshaxanimo ku dheehan tahay u hindisay Wiil uu dhalay muwaaddinkan qurba-joogga ah oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Ismaaciil Sheekh oo ah Ciyaartooy Oroddada heer Caalami ee Yurub ka Ciyaara,
kaasoo Billadihii uu ku guulaystay u soo hibeeyey Madaxweynaha Somaliland iyo Marwadiisa munaasibadda xuska 18 May awgeed, dulqaadka iyo dimuqraaddiyadda uu ka hirgeliyay Somaliland muddadii uu siyaasaddad ku soo jiray oo dhan, gaar ahaan dulqaadkii yaabka lahaa iyo tanaasulkii uu sameeyay doorashadii Madaxweynaha ee 2003-dii uu kaga guulaystay Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, taasoo aan ka dhicin Qaaradda Yurub iyo Adduunka kale toona sida uu ninkaasi sheegay.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa uga mahadceliyay Muwaadninkan iyo wiilka uu dhalay ee u soo hibeeyay hadyadan qaaliga ah, waxaanu sheegay inuu ku dedaalayo sidii uu u horumarin lahaa dadkiisa iyo dalkiisa, islamarkaana aanu ka daalayn horu socoshada dhinac kasta oo laga eego.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.