Waan soo dhaweynaynaa in Madaxweyne Siilaanyo uu Ruqsadii Ganacsi Kala Noqdo Shariikadda TOTAL (Hambalyo!!!!!!)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Digreeto Madaxweyne oo xafiiskiisa ka soo baxday ku sheegay in uu u baabiyey dhammaanba heshiiskii Shariikadda TOTAL ay Somaliland kula jirtay waxaana ay Digreetadaasi Madaxweynaha ku cadeeyey in TOTAL in ay ka baaqsadeen dayactirka Haamaha Shiidaalka.
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu sheegay inuu u xil saaray Guddi soo daraasadaysa hantida haamaha shiidaalka guddidaasi oo ay xubno ka yahiin wasiirka ganacsiga, Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Guddoomiyaha guddida qandaraasyada qarranka, waxaa sidoo kale Madaxweynahu ku sheegay Digreetadiisa in maanta laga bilaabo ay Wasaaradda Ganacsigu masuul ka tahay maamulista iyo maaraynta Haamaha Shiidaalka ee Dekedda Berbera.
waxaana aan ognahay in maanta ay ula mid tahay shacbiga reer Somaliland  maalintii  18/May/1991 Burco ee ay Xoriyadooda kula soo noqdeen, kana luntay 01July/1960 , waayo waxaA maanta madaxweynuhu  uu dIb u xoreeyey dhul iyo hanti dalka ka maqnayd muddo badan oo cid kale ku amar ku taagleyneysey , waxaanan leeyahay dhamaanteen hambalyo iyo bogaadin ayaan kuu soo diraynaa , Anagana waxay noo tahay farxad weyn.
Waxaan in yar muujinayaa taariikhdii Hamaha shidaalka ee Berbera iyo marxaladaha ay soo mareen iyo sida ay gacanta ugu galeen kooxdaasi khatar ahayd,  oo hadii aanu Madaxweynaheenu gaadhin Go,aankan , meel fog laga dooni lahaa .
Haamaha shidaalka ee Berbera,waxaa la bilaabay ama la dhisay1954kii , waxaana dhismaheeda hirgelisay shirkadda caalamiga ah ee loo yaqaan SHELL,shirkaddaas
waxaa lahaa welina leh boqortooyada United Kingdam oo ahayd tii dalkeenu hoos imanaayey waqtigii aan ku jirnay isticmaarka.
Goobtaas waxaa laga dhisay ama laga sameeyey (6) Lix Haamood oo isu geyn Qaadaya7,700M3 oo shidaal ah iyo dhismayaal xafiisyo leh iyo Guri villo ah oo  uu loo talo-galay inuu galo kolba ciddii madax ka ah, goobtaas waxaana lagu soo wareejeyay deyr.
waxa kale shell samaysay laba dhuumood oo si farshaxnimo Engeering heer sare ah loo geliyey badda , sida aan filaayana ka samaysnaa macdan aan iminka malaha adduunka lagaba helin haddii la helana aad u qaaliya , oo helitaankeedu adagyahay , oo u awood badan milixda badda ku jirta , iminkase aan meeshiiba oolin, Total aan ka jawaabin sababta loo bedelay , halka la geeyey , ama dhaqaalihii ka soo baxay meeshuu maray,  laynooguna bedeley dhoon yar oo rakhiis ah , oo aan wax macno ah ku fadhiyin , iska daa ganacsi aan ka helnee, inagaba dirqi ,inoogu filan.
Waxaa iyaduna jirtay in Kacaankii October 1969 uu isaguna mudo yar ka dib la wareegey ama qarameeyey  wixii ganacsi ah oo ay  mid ahayeen Haamaha shidaalka ee Berbera waxaana loo bixiyay Haamaha shidaalka Wakaaladda Baatroolka Somaliyeed Berbera, kuwaas oo hoos imanayey Wasaaradda Ganacsiga ee dawladdaas , sanadkii 1974 ayaa waxa lagu daray (14)Afar iyo toban Haamood oo isu-geyn qaadaya 28,000M3,waxaana dhisay dawlad-weyntii  midowga soofiyeeti (Soviet Union/USSR).
Waxaa mar kale Siyaasadii dagaalka qabow loo digo rogtay dhinicii Galbeedka , oo uu hogaaminaayey Dowladii maraykanka oo sanadkii 1980kii, waxaa lagu kordhiyey (5) shan Hamood oo kale,oo ay dhistay dawladda America oo qaadaya isu geyn 14,000M3 shidaal ah.
**** 6 Haamood  isu geyn Mugoodu yahay   7,700 M3   Shirkadda Shell ,oo la                  dhisay sanadkii 1964
*****14 Haamood  isu geyn Mugoodu yahay 28,000 M3    SOVIET Union    oo la               dhisay  sanadkii 1974
*****5 Haamood  Isu geyn Mugoodu Yahay 14,000 M3     AMERICA , oo la dhisay            sanadkii 1980
Isu Geyn Guud    49,700 M3
Sida ay doontaba , ha ahaatee haamahaasu waxa ay u gacan galeen markii hore shirkad ina neceb oo aan odhan karo waa cadow ku soo duuley S/land , oo dal kale daaha dabadiisa ka maamulo kuu doonaba ha ahaade  , wajibna ay ahayd in layska xoreeyo.
waxaana aan ku tilmaami karaa cid qabsatay dhul aanay lahayn,  meel fogna ka soo duushay,  ahaydna mid laynaga haysto oo isticmaar macangeg ah gacanta ugu jira.  ugu yaraana shanta boqol ee talaabo oo waddo ah oo gasha Xarunta ay haamuhu ka dhisnaayeen , ayey kala masuugeen in ay daamur mariyaan waxna dalka ku darsadaan.
Waxaan jecelahay in aan cadeeyo in shirkadan  inaga haysatey Dhul iyo Haamaheeniiba , isla markaana aanay ahaynba shirkad macruuf ah, (MER ROUGE) cid ay tahayn lama yaqaan markii ay inoo timina waxa ay ku darsatay magac kale oo loo bixiyey  {Red Sea MER ROUGE),  anigu garamaayo meel ay dunida ka degentahay laakiin waxa ay wax ku boobtay Total oo la yaqaan.cid kalena ma boobtee waa Africaanka iyo cidii ka sii lidataba, dhibaatoyinkana way ka faaiidaysata.
Tusaale waxaan idiin siinayaa Qiimaha ay sheegtay inay  hagaajinta haamuhu ku kacayaan xiligaa hore waxa ay ahayd $ 3,600,000  (Sedex Malyuun iyo lix boqol oo kun oo us dollar ah) iyo service kale oo ku dhow $ 1 million dollar, runtiina qiimahaasu waxa uu ahaa wax laga naxo ,hase yeeshee anoo Berbera xiligaas joogey horena wax yar oo
aqoon weyna u leh macluumaadka Haamaha Shidaalka Berbera, berigii horeba si aada uga ag dhowaa , waxaan ogahay in ay haamaha qaar khatar ku yihiin kuwa kale, qaraxna laga filan-karo hadii aan si degdega loo hagaajin ,waxaase ka sii daran waxay yidhaadeen lacagtayada waxaanu kula soo noqon karaa 50 konton sano waa waxyaalaha Cajiibka ah.

Waan soo dhaweynaynaa in Madaxweyne Siilaanyo uu Ruqsadii Ganacsi Kala Noqdo Shariikaddaasi TOTAL ee dhibaatada balaadhan ku haysay umadda Somaliland, waxii khasaare ee ay ina gaadhsiisayna , lala xisaabtamo , oo aan looga hadhin.

Waxaanu ku leenahay Madaxweyne hambalyo, hambalyo, Hambalyo.
-Allaa Mahadleh-
By, Shucayb Maxamed Gurux ,/UK