Golaha Deegaanka Gabiley Oo Xilkii Ka Xayiibiyay Guddoomiyahoodii, Ka Dib Markii Musuqmaasuq Lagu Eedeeyay

Gabilay- (Berberanews)- Golaha Deegaanka ee degmada Gabilay, ayaa maanta xilkii ka qaaday guddoomiyahoodii Aadan Muxumed Badde, kadib markii dalab xilka qaadis ah oo la xidhiidha fadeexado musuqmaasuq lagu soo oogay.
Fadhi aan caadi ahayn oo xildhibaanada golaha degaanku maanta isugu yimaadeen, ayey ku ansixiyeen dalab Xeer-ilaalinta guud ee Somaliland u soo gudbisay kadib markii lagu eedeeyey inuu lunsaday lacag lagu qiyaasay 253 milyan oo shillinka Somaliland ah.
Fadhiga oo ay goob-joog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Cigge (Balaaki), Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka Xasan Axmed Ducaale, Badhasaab-ku-xigeenka gobolka Gabilay Cali Cabdilaahi (Cali Case iyo saraakiil kale, waxa halkaasi uu Xeer-ilaaliyaha guud ka sheegay in Maayarka degmada Gabilay loo haysto inuu lunsaday hanti ummadeed oo dhan 253 milyan oo shilinka Somaliland ah.
Xeer Ilaaliyuhu wuxuu xildhibaannada golaha ka codsaday inay xasaanada si ku meel gaadh ah uga qaadaan Maayarka Gabilay Aadan Muxumed Badde, si loo horgeeyo sharciga, waxaanu tilmaamay in eedeymahan ay u hayaan 12 qof oo markhaati ah.
Fadhigan oo ay gudoominaysay Maayar-ku-xigeenka Magaalada Gabilay Marwo Khadra Xaaji Gaydh, isla markaana uu goob-joog ka ahaa maayarka la eedeeyey, waxa joogay 18 xildhibaan oo ka mid ah 21-ka mude ee Golaha deegaanka Gabiley ka kooban yahay,
Markii codka loo qaaday waxa oggolaaday in xasaannada laga qaado Maayar Badde 8 Mudane, halka 8 kale ay gaashaanka ku dhufteen dalabka xeer-ilaalinta, waxaana markii labada dhinac isleekaadeen codkeedii ku kala saartay oo ogolaatay in la xasaanada laga qaado Maayar-ku-xigeenka Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo gudoominaysay fadhigan, waxaana sidaasi ku ansaxay in dacwad musuqmaasuq lagu soo oogo Maayarkii Gabiley.
Berberanews.com
Gabiley, Somaliland