Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka oo Xabsiga u Taxaabay Khasnajigii Dawladda Hoose Burco

Burco (J)- Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka, ayaa xabsiga dhigay khasnajigii Dawladda hoose ee magaalada Burco, ka dib markii lagu eedeeyey inuu lunsaday hanta qaran, iyada oo dhinaca kalena shaqadii laga joojiyey xisaabiyihii iyo hantidhawrihii dawlada hoose. Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Md. Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Maxamuud Dheere) oo isaga oo ku sugan magaalada Burco Jamhuuriya wax ka weydiiyey arrintan, ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo, hasayeeshee sida ilo-wareedyo xogogaal ah oo lagu kalsoon yahay xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen, khasniga dawladda Hoose ee Burco oo lagu magacaabo Maxamuud Cabdilaahi Axmed, ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii baadhitaano Hantidhawrku ka waday magaalada Burco lagu ogaaday inuu lunsaday hanta gaadhaysa ilaa sagaashan milyan oo shilin Somaliland ah (90, 000,000 SLSH.) isla markaana amrkii la weydiiyey uu qirtay inay lacagtani ku maqan tahay isaga. Hantidhawrka Qaranka oo subaxnimadii hore ee shalay ku waa bariistay xarunta dawladda hoose, kana bilaabay baadhitaan ayaa la filayaa inuu sii wado hawshiisa ilaa maalmaha soo socda, kuwaasoo baadhi doona cida kale ee saamaynta ku leh lacagtan uu lunsaday khasnajigu. Khasnigan Dawladda hoose ee Burco, ayaa hawshan hayay muddo dheer, oo aan markaliya laga bedelin xilkiisa.
Hawlgalada Hanti-dhawrka Guud ee Qaranku ka wado magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa qayb ka ah baadhitaano lagula daagalamayo musuqa iyo xatooyadda xoolaha dadweynaha oo hantidhawrku ka sameeyey gobolka Maroodi-jeex, Saaxil iyo Gabiley, iyada oo isla shalayna golaha deegaanka Gabiley xasaanadii ka qaadeen maayirka Gabiley Aadan Muxumed Badde, kadib markii lagu eedeeyey inuu lunsaday hanti qaran, waxaana la filayaa in xeer-ilaalintu dacwadiisa horgayso maxkamadda sharciga ah.