Laascaanood-(Berberanews)- Maleesho ka soo jeeda Maamul-goboleedka Puntland, ayaa caawa abaaro 10kii weerar gaadmo ah ku soo qaaday fadhiisinka ciidammada qaranka Somaliland ee ku sugan deegaanka Gambadha oo ilaa 20 Km dhinaca bari ka xigta magaalada Laascaanood.
Ciidammada qaranka Somaliland ee deegaanka Gambadha, ayaa si weyn isaga caabiyay maleeshiyada soo weerartay oo ay khasaare naf iyo mood be leh gaadhsiiyeen, islamarkaana u baacsaday dhinacii ay ka yimaadeen, sidaana waxa shebekadda Berberanews u xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tirsanciidanka Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood.
Dagaalka oo socday muddo saacad iyo badh ah waxa ku dhaawacmay dhawr askari oo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, kuwaasoo dhaawacooda isla caawaba loo soo qaaday cisbitaalka magaalada Burco oo lagu dawaynayo, iyadoo aanay noo suurtagelin inaanu helno tirada khasaaraha dhabta ah ee soo gaadhay maleeshiyada Puntland.
Weerarka gardarada ah ee maleeshiyada Puntland ku soo qaaday ciidamada Somaliland ayaa ku soo beegmay xilli xukuumadda Somaliland dedaal ugu jirto nabad waarta oo deegaankaas ka dhalata, iyadoo toodbaadkan gudihiisa beelo dega gobolka Sool ku dhawaaqeen inay ayidsanyihiin gogoshii nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland hore ugu fidiyay.
Berberanews.com
Laascaanood, Somaliland
Email, info@berberanews.com