Masuulliyiintii Shirkadda TOTAL Ee Gacanta Ku Hayn Jirtay Haamaha Shiidalka Berbera Oo La Sii Daayay

Berbera-(Berberanews)- Masuulliyiintii shirkadda gacanta ku haysay Haamaha Shiidaalka Berbera, ayaa maanta laga sii daayay saldhiga dhexe ee magaalada Berbera oo ay ku xidhnaayeen muddo saddex cisho ah.
 
Masuulliyiinta la sii daayay oo kala ahaa Maamulihii shirkadda TOTAL Sacad Cilmi iyo xisaabihiisii Cabdikariin Xuseen waxa lagu sii daayay ammar ka soo baxay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud (Silaanyo), kaasoo warqada sii daynta ay geeyeen Berbera Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Cabdicasiis Maxamed Sammaale iyo Abiib Tima-cad oo ka mid La-taliyayayaasha Madaxweynaha.
 
Isku-dayo hore oo la doonayay in lagu sii daayo masuulliyiintan ayaa fashilmay, ka dib markii habeen hore warqad sii dayn ah oo ay qortay maxkamadda gobolka Saaxil ku ammartay in laga sii daayo masuulliyiinta saldhiga ay ku jiraan oo lagu ilaaliyo xarunta haamaha dhexdooda. haseyeeshee Maamulihii shirkadda TOTAL Mustafe Cilmi ayaa ku gacan-saydhay dalabka maxkammadda ee sii dayntiisa, isagoo la sheegay inuu ku dooday, haddii aanu xor ahayn inuu ku jirayo saldhiga, taasoo soo dedejisay in Madaxweynuhu go’aanka sii dayntiisa qoro.
 
Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali (Saleebaan) ooo isaguna maanta ka hadlay sii daynta masuulliyiinta TOTAL waxa uu sheegay inay ka dhalatay wada-tashi Guddi Madaxweynuhu u saaray xaaladda Haamaha shiidaalka Berbera, islamarkaana waxa uu intaa raaciyay in masuuliyiinta haamuhu qirteen qaladkooda oo ay wareejin doonaan wixii xisaabaada ee xukuumaddu ka dalbatay iyo bixinta kharashkii shaqaalaha shirkadda.
 
Tan iyo wixii ka danbeeyay sabtidii toodbaadkii hore ee uu Madaxweynuhu soo saaray digreetada uu ku baabi’iyay heshiiskii xukuumaddii Marxuum Cigaal 50 sanno qalinka ugu duugtay shirkadda TOTAL inay maamusho haamaha shiidaalka Berbera waxa hakad ku yimi shubistii shiidaalka ku jira kaydka haamaha, taasoo guud ahaanba saamyan ku yeelatay sixirka shiidaalka, gaar ahaan naaftada oo cirka isku shareertay.
 
Guud ahaanba waxa Somaliland si diiran looga soodhaweeyay tallaabada uu Madaxweynuhu ku soo afjaray heshiiskii 50 sanno kootada u siiyay shirkadda TOTAL inay maamusho haamaha shiidaalka Berbera, kaasoo ahaa heshiis qabyo ah oo ay hore u laaleen goligii hore ee wakiillada Somaliland.