Afhayeenka Madaxtooyada oo sheegay inay Somaliland ka qaybgalayso shir kasta oo qaddiyadda ay ku gudbin karto xattaa kuwa Soomaaliya

London(Berberanews)- Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay in shirkasta oo ay Somaliland qaddiyaddeeda ku soo bandhigi karto ay ka qaybgalayso.
Isla markaana waxa uu tilmaamay inay ka qaybgalayaan xataa haddii ay Soomaaliya qayb ka tahay, shirarka Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka.
Afhayeenka oo Maanta u warramay idaacada BBC-da laanteeda afka Soomaaliga,  waxa uu ka hadlay noocyada shirarka caalamka ee aanay Somaliland ka qaybaglayn. Afhayeenka oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi;
“Shir kasta oo Somaliland qaddiyadeeda in lagu soo bandhigo ay Somaliland u baahan tahay ama Soomaali ha joogto ama haka maqnaato oo Qaramada Midoobay iyo dawladaha caalamku ay gogol u fidiyaan oo ay Somaliland u yeedhaan oo ay yidhaahdaan kaalaya qaddiyadiina noo sheega Somaliland iyada ayaa u baahan inay sheegto.”
“Markaa Somaliland maaha inan gashaanti ah oo guri gudihii lagu haynayo, Somaliland qaddiyad lala xishoonayo maaha, waa qaddiyad banaanka lala imanayo oo u qalanto in ummada horteeda lala tago oo la sheego.’ ayuu hadalkiisa raaciyey Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland.
Shirarka Soomaaliya lagu heshiisanayo ma tageyno, kuwa dawlado loogu dhisayana ma tageyno, anagu waxaan tageynaa shirka oo beesha caalamku qabato oo aanu arkayno inay fursadi ugu jirto Somaliland.” ayuu raaciyay hadalkiisa.
 
Berberanews.com
Hargfeysa/Somaliland.