Badhasaabka Gobolka Saaxil Jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Xildhibaanno ku eedeeyey Xadhigga Masuuliyiintii Total

Berbera(Berberanews) Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay in Saraakiishan la sii daayay ka dib markii ay ogolaadeen inay u hoggaansamayaan amarka xukuuamada isla markaana ay xilka maamulka haamaha ku wareejinayaan Guddi heeer qaran ah oo ka socota dawlada.
Badhasaabku waxa kale oo uu sheegay in shirkada Total aanay muddo laba sanadood keenin wax shiidaal ah waxaanu tilmaamay inay marka horeba heshiis sharci darro ah ay kula jirtay xukuumadihii ka horeeyay dawlada Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Maxamuud Cali Saleebaan waxa uu jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Mudane Xildhibaan Bashiir Tukaale oo xadhiga masuuliyiinta Total ku sifeeyay mid sharci darro ah oo u muuqan kara aarsi. Badhasaabku waxa uu u soo jeediyay Xildhibaan Bashiir inuu difaaco shuruucda dalka maadaama oo uu yahay xubin ka tirsan sharci dejiyeyaasha dalka.
Heshiiska Madaxweyne Siilaanyo buriyay ee shirkada Total ayaa la kala saxeexday sanadkii 1993-kii xiligaasi oo Golihii Wakiiladdu ay diideen meel marintiisa. Si kastaba ha ahaatee, Masuuliyiintii shirkadda Total, ayaa maanta la sii-daayey ka dib markii ay muddo laba maalmooda ku xidhnaayeen Xabsiga dhexe ee magaalada Berbera.
 
Berberanews.com
Berbera/Somaliland.