Dawladaha Denmark iyo Seychelles oo ku Heshiiyey in Budhcad-baddeeda ay Qabtaan Lagu Maxkamadeeyo Somaliland iyo Puntland

Seyshelles (Berberanews) – Xukuumadaha Denmar iyo Jasiiradda Seychelles, ayaa si wadajir ah heshiis ugu gaadhay in budhcad-baddeeda uu gacanta ku dhigan markiibtooda dagaalku lagu xukumo, isla markaana maxaabiis ahaan loogu hayo Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland.

 
Heshiiskan oo ay ku dhawaaqeen wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Denmark iyo wasiirka difaaca ee Seychelles maalintii arbacada, ayaa noqonaaya horumariinkii ugu dambeeyey ee ku saabsan istaraatijiyada lagu caawinaayo dagaalka lagaga soo horjeedo budhcad-baddeeda ka ugaadhsata Soomaaliya iyo xeebta bare ee qaaradda Afrika.
 
Sidoo kale markabka Esbern Sname oo markabka ugu ballaadhan maraakiibta dagaalka ee dalka Denmark, ayaa gaafwareegaya xeebta Geeska Afrika arrimo la xidhiidha la dagaalka budhcad-baddeeda awgeed. Hawlgalkan oo qayb ka ah dagaalka ay NATO kula jirto hawlgalada budhcad badeedu ka wadaan xeebta Soomaaliya, sidoo kale markabkani waxa uu ka mid yahay 28 markab ee xulafada NATO hawlgalada ku wadaan.
 
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Denmark Mr. Lene Espersen oo ka hadlayey waxyaabaha keenay inay heshiiskan cusub bilaabaan, ayaa sheegay inay dhib weyn ku qabaan xukunnadii budhcad-badeedda.
 
Heshiiskan aannu la galnay Seychelles ayaa waxa uu ansixinayaa in budhcad-badeedda lagu maxkamadeeyo amma xukumo gobolka ay ka yimaaddeen, halkii loo gudbin lahaa kumanaan budhcad-badeed ah dalka Denmark.”
 
Waxa sidoo istiraatijiyadda dagaal ee lagula jiro budhcad-badeedda barbar socda wax ka beddel lagu samaynaayo ciidammada milletariga ee Denmark.
 
Mr. Espersen waxa u sidoo kale sheegay in aanay Denmark kaligeed hawshan ku jirin, balse ay si wadajir ah u fuliyaan waddamada ku bahoobay NATO, iyaga oo dawlad ahaan tixgelinaya kormeeridda badaha ee xagga hawada, waxaannu xusay inay doonayaan oggolaansho ah in ciidammada Danishku dhulka ku weerari karaan budhcad-badeedda, kaasoo uu tilmaamay in uu yahay dalab lagu qasban yahay si looga hortago dhibaatada budhcad-baddeeda.
 
 
Sources, Jamhuuriya