Magacyada 11 Xubnood Oo Xisbiga KULMIYE U Saaray Qabanqaabada Shirweynaha Golaha Dhexe

Hargeysa (Berberanews)- Xisbiga Muxaafidka KULMIYE, ayaa soo saaray magacyada 11 xubnood oo soo qabanqaabin doona shirweynihii golaha dhexe oo muddo laba jeer ah dib u dhac ku yimi.
 
Guddidan loo xilsaaray qabanqaabada shirweynaga xisbiga oo la qaban doono Bisha june ee 2011 waxa guddoomiye looga dhigay Guddoomiyaha Guddida maamul-wanaaga iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar.
 
 
Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka so baxay xisbiga oo uu ku saxeexanyahay Guddoomiyaha golaha dhexe Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), kaasoo u dhignaa sidan; “Iyada oo aynu hore ugu dhawaaqnay qabashada shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo ku beegan June 6 2011, ayaa waxa lagama maarmaan noqotay si ay qabsoomida shirku u tabaalo la’aato in aanu magacwno guddi qaban qaabo oo ka hawl gasha dhamaan hawlaha ku beegan qabashada shirka golaha dhexe.
Sidaas darteed maanta oo ay taariikhdu tahay 28/05/2011 waxaan magacaaba inay noqdaan gudida qaban qaabada ee shirka golaha dhexe xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin.
Axmed Muxumed Madar     Guddoomiye
Cabdikariin Axmed Xinif      Xoghaye
Maxamed Muuse Abees      Xubin
Nimco xuseen Qawdhan     Xubin
Ilhaan maxamed jaamac     xubin
Xuseen axmed Caydiid       xubin
Mahdi Xuseen Cadar          xubin
Cabdiraxmaan yuusuf cartan    xubin
Siciid cilmi rooble                    xubin
Axmed cabdi dheere               xubin
Xubnaha gudida qaban qaabada waxaa lagu wargelinayaa inay bisha 31/05/2011 oo ku beegan Maalin Axad ah isugu yimaadaan xarunta Xisbiga  Kulmiye Saacada 9:00 subaxnimo halkaas oo guddoonka golaha dhexe kulan kula yeelan doono.
Mudanayaal waxaan idinka rajaynayaa hawl wacan, guul iyo gobonimo taam ah.”
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com