Urur-goboleedka IGAD Oo Deeq Waxbarasho U Fidiyay Shan Arday Oo Ka Baxay Dusgiga Xannaanada Xoolaha Sheekh

Hargeysa (Berberanews)- Urur-goboleedka IGAD, ayaa deeqdii waxbarasho u fidiyay shan arday oo ka mid ahaa ardaydii ka qalinjebisay dugsi-goboleedka xannaanada Xoolaha ee ku yaal degmada Sheekh.
Shantan ardey oo ka qallin-jebiyey kulliyada caafimaadka xoolaha ee Sheekh oo maanta ka dhoofay Madaarka Hargeysa, waxay  u duuleen dalka Ugandha oo ay gali doonaan jaamacadda Makarere, waxaana halkaas ku sii sagootiyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Degaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Dr. Cabdi Aw Daahir iyo saraakiil kale oo ka socday kulliyada xannaanada xoolaha ee Sheekh.

Dr. Cabdi Aw Daahir oo hadal kooban halkaas uga jeediyey intii aanay ardeydu ka dhoofin garoonka, ayaa kula dardaarmay inay si mug leh uga faa’iideystaan fursadan deeqda waxbarasho ah, isagoo carrabka ku dhuftay in mashruucan oo uu maalgeliyey urur gobolleedka IGAD uu wax weyn ka tari doono horumarinta dhinaca caafimaadka xoolaha Somaliland.

“Shantan dhakhtar waxay ahaayeen ardeydii ka qallin-jabisay dugsiga Xannaanada Xoolaha ee Sheekh, iyagoo ahaa ardeydii ugu dedaalka badnaa waxay macallimiin ka noqdeen dugsigaas. Waxaanan ku hambalyeynayaa inay iminka nasiib u heleen waxbarasho saddex sanno ah oo caafimaadka xoolaha ah ay Jaamacadda dalka Ugadhna ee Makerere wax ku soo bartaan.”
Wasiirka oo la dardaarmayay ardaydaasi wuxuu yidhi “Waxaan idin markaa idinkula dardaarmayaa inuu noqdo sawirka aad jaamacadaas iyo dalkaas la tagtaan mid metelaya dadkiina iyo dalkiina aad ka tagteen, waa inaad diintiina iyo dhaqankiina wanaagsan idinka doorsoomin. Tusaalaha wanaagsan ee aad halkaas ka samaysaana waa inuu horseed u noqdo in dhakhaatiir kale oo reer Somaliland ahi ka soo faa’iideystaan, waxaan idinku adkaynayaa markaad wax soo barataan inaydaan noqon kuwo aqoontay soo bartaan meelo kale ula kaca, balse aad noqotaan kuwo dalkooda iyo dadkoodaba wax ugu qabta.”
 
Shukri Jaamac Geelle oo ah gabadha kaliya ee jaamacadda Makerere deeqda waxbarasho ka heshay ayaa ballanqaaday in ay dalkeeda wax weyn kaga qaban doonto aqoonta caafimaad ee xoolaha ee ay ka soo barato jaamacadaas, sidoo kale Cabdirisaaq Maxamed Axmed, ayaa isaguna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay jaamacadaas ay nasiibka u heleen.
Urur-goboleedka IGAD, ayaa dhawaan daboolka ka qaaday inay la wareegeen dusgiga xannaaanada xoolaha degmada Sheeh oo uu hore gacanta ugu haysay hay’adda Terra Neouva oo gacan ka helaysa dawladao badan oo Yurub ka tirsan.
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com