Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Ku Dooday In Maskaxda Ka Danbaysa Qaraxyada Laascaanood Ay Qurbaha Ubadkoodii Gesyteen

Laascaanood- (Berberanews)-Wasiirka wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa  sheegay in la gaadhay xiligii haweenka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay kaalin weyn ka qaadan lahaayeen sidii loola tacaali lahaa dadka dilalka iyo qaska ka wada magaalada laascaanood.
Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay shir balaadhan oo uu magaalada laascaanood kula yeeshay haween weynaha gobolka Sool, odayaasha waxgaradka iyo dhalinayarada.
Wasiirka oo si gaar ah ula hadlayay haweenka magaalada Laascaanood waxaanu yidhi “Waxaan ku faraxsan nahay inaanu maanta haween weynaha reer Laascaanood inaanu idin la kulano, inaanu ka wada tashano dhibaatada maanta ka jirta. dhibaatadaas oo ina wada taabanaysa, waad ogtihiin dhibaatada nabadgelyada wixii muskhilad ahi way ina wada taabanaysaa oo dhibaatadu idinka (haweenka) uun bay idinku dambaynaysaa, ninka wax dilayaa aqal ayuu ku dhuumanayaa haddii aan la soo sheegin dhibtii ma istaagayso. Waxaan idinku dardaarayaa inaad kaalintiina ka qaadataan nabadgelyada magaalada iyo gobolkaba.”
Md Xaabsade waxa uu intaa ku daray “Waxa la gaadhay in qof kastaa oo magaalada ku nooli werwerayo oo uu is leeyahay ma caawa ayay kugu dhacaysaa mise beri ayay kugu dhacaysaa, walxahan qarxa ee Laamiga laga soo saaray guryaha agtooda lagu aasay inagama foga waxaan leeyahay bulshadu ha soo sheegto oo yaan la qarin qofka dhibta wada.”
Wasiirku waxa uu ku dooday in dadka qaska ka wada gobolkaasi ay carruurtoodii u direen dibadaha waxaanu yidhi “Bulshadeenu waxay u baahan tahay waxbarasho, caafimaad iyo horumar dhaqaale, dadka qaska wadaa caruurtoodii dhul shisheeye ayay joogaan iskuulo ayay ku jiraan. caafimaadkoodii way helaan, halkan ayay inagaga tageen markaa waa inaynu nabadgalyadeena sugnaa.”
Dhinaca kale Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka NOW ee Gobolka Sool Nadiifo  Maxamed (Col -U -joog ) oo ka hadashay halkaa ayaa ugu baaqaday haweenka inay door mihiim ah ka qaataan horumarka iyo dib u dhiska gobolka Sool, waxayna iyadoo la hadlaysa qurba jooga  tidhi, “Qurba jooga waxaan leenahay lacagta aad qoriga iyo rasaasta noogu soo dirasyaan waxaad noogu bedeshaan qalin si aanu wax u barano oo Jaamacadaha nagu geeya.’
Sidoo kale waxa iyaguna halkaa ka hadlay odayaal cuqaal, ganacsato, dhalinyaro iyo waxgarad kale oo sheegay in la sameeyo horumar iyo dib u dhis, maadaama gobolka dib u dhac badani ku yimi, iyagoo dawladana usoo jeediyay inay doorkeeda ka qaadato gobolka, isla markaana gacan bir ah ku qabato dadka ka wada nabadgelyo darada.
 
Sources, araweelonews.com