Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Magacaabista Gudida Qaqanqaabada Shirweynaha Golaha Dhexe

Hargeysa-(Berberanews)- Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye Md. Keyse Xasan Cige, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay guddi uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha dhexe Jaamac Shabeel uu ku cayimay qabashada shirweynaha golaha dhexe ee Xisbiga.
Xoghaye Kayse oo war-saxaafadeed soo saaray maanta waxa uu ku sheegay inaan hoggaanka xisbigu waxba ka ogayn iclaaminta shirweynaha, islamarkaana aanu awood u lahayn Guddoomiyaha Golaha dhexe cayimaada shirweynaha golaha dhexe.
War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan; “Dhawaan Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye iclaamiyey, saxaaafaddana  ku sheegey inuu qabanayo Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye bisha Juun 6da. ee sannadkan.
Haddaba waxaanu halkan ku cadddeynayaa inaan goaanka Guddoomiyuhu uu yahay mid aan kasoo bixin Hogaanka Xisbiga Kulmiye balse uu yahay mid isaga u gaara oo aan cid kale la ogeyn.
Waxaa kaloo aanu halkan ku caddeynaynaa in qabashada Shirarweynaha Xisbiga, kan Golaha Dhexe ama kan Guddiga Fulinta uu leeyahay qaab iyo hab loo raaco oo ku salaysan dastuurka iyo Xeererka  Xisbiga, kaasoo leh hab loo raaco. Marka hore ajandaha shirarka waxaa ka wada hadla Guddiga Fulinta ee Xisbiga, waxaana soo diyaariya Xoghayaha Guud ee Xisbiga. kadibna waxaa laga iclaamiyaa warbaahinta goorta la qabanayo iyadoo la dhowrayo inuu tiradii, Kooramku) la rabay la helayo.
Dhinaca kale marka la qabanayo Shirweynaha Xisbiga waxaa awood u leh inuu magacaabo Guddiga Qabanqaabada Guddoomiyaha Xisbiga isagoo ka ansixinaya xubnaha Guddiga Fulinta. Waxaa kaloo muhiima in la ogaado inu xilka Guddoomiyaha Golaha Dhexe uu ku kooban furida iyo xidhiga Shirka, hagida fadhiyada, socodsiinta shirka iyo dejinta khilaafaadka ka dhasha muddada ay shirarku soconayaan.
Waxaa kaloo aanu halkan ku caddeynaynaa inaanu Guddoomiyaha Golaha Dhexe aanu xubin ka aheyn Guddiga Fulinta ee Xisbiga oo ka kooban 35 xubnood, haseyeeshee uu xubin ka yahay Golaha Dhexe ee Xisbiga.
Sidaasi daraadeed ayaanu awood u laheyn inuu gaadho goaan kaligii iyadoo aanay ogeyn Hogaanka iyo Gudddiga Fulinta ee Xisbiga oo uu Guddoomiyaha Xisbiga madax ka yahay.
Haddaba waxaanu warsaxaafadeedkan ku caddeynayaa in tallaabada uu qaaday Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga ay tahay mid kaligii u gaara, awoodna aanu u  laheyn inuu kaligii go,aan ka gaadho qabashada Shirka Golaha Dhexe iyadoo aanu wadatashi iyo kalsooni  ka haysanin Guddiga Fulinta ee Xisbiga.
Hoggaanka Xisbiga wuxuu hadda ku hawllan yahay sidii loo qaban lahaa shirka Guddiga Fulinta ee Xisbiga, waxaana ilaa hadda la qabtay seddex kulan oo loogu gogol xaadhayo qabashada shirka Golaha Dhexe iyadoo hawlgelintiisa  ay ka wada socdaan Hogaanka Xisbiga iyo Xukuumadu”
Sidoo kale, Gudddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa gaashaanka ku dhuftay go’aanka ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee uu ku magacaabay 11 xubnood oo qabanqaabin doona shirweynaha golaha dhexe.