Hargeysa: Furitaan Loo Sammeeyay Mid Ka Mid Ah Shirkadaha Shiidaalka Caalamka Oo Somaliland Soo Degtay

Hargeysa (Berberanews)- Shirkadda  Gulf Petroleum oo ka shaqaysa ganacsiga shidaalka  Khaliijka iyo welib bariga Afrika, ayaa qayb cusub oo shidaalka keeni doonta laga furay Somaliland.
Munaasibad loo sameeyey wanqalka furitaanka shirkadda oo maanta lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiin isugu jirta wasiirro, xildhibaanno, salaadiin, aqoonyahan, ganacsato iyo marti sharaf kale.

Madaxa xidhiidhka dadweynaha ee kambaniga Rooda Axmed Yaasiin oo xafladaasi ka hadashay, ayaa sheegtay in Gulf Petroleum oo ah kambani wayn oo laga leeyahay dalka Imaaraadka uu qayb ka mid ka furtay Somaliland, isla markaana uu noqdo mid kaalin wayn ka gaysto helitaanka shidaal tayo fiican oo qiimo jaban ah.

“Waxaannu lixda gobol ee dalkaba ka furanay xafiisyo, annaga oo ka qaadanay hawlwadeeno ka shaqeeya, marka shaqada kambanigu ballaadhato waxaannu rajaynaynaa in aannu qaadano shaqaale badan oo ah dhallinyarada waxbaratay,” ayey tidhi Rooda Axmed Yaasiin.
Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Dr. Axmed Xaashi Oday oo xafladaasi ka hadlay, ayaa sheegay in imaatinka kambanigan ee dalku qayb ka tahay siyaasadda xukuumadda talada haysa ee ku wajahan furfurnaanta iyo suuqa xorta ah ee ganacsiga.
Wasiirka oo ka hadlayey imaantinka kambanigan, waxa uu yidhi, “Kambanigani waxa uu ka mid noqon doonaa kuwa ugu horreeya ee dalka maalgashada, qaar kalena way soo raaceen oo way ku dayan, maalgashigaasi waxa uu ka mid yahay weftigii Madaxweynaha ee tagay dalalka Imaaraadka iyo Kuwait oo cid waliba sheegtay inay diyaar u yihiin maalgashiga Somaliland. Markaa kambanigan Gulf Petroleum iyo cida wadaba waxaan ku hambalyeynayaa siday ugu soo dhiiradeen inay Somaliland maalgashi ka sameeyaan oo ganacsi ka furaan, kaas oo arday badan oo jaamacadaha ka baxay ama dibadaha ka soo noqday shaqo ka helayaan.”
Xildhibaan Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo isna xafladaas ka hadlay, ayaa xusay in Somaliland abaal ku qabto oo ay soo dhawaynayso cid kasta oo maalgashi ku samaynaysa dalka.
“Waxa xaqiiqo ah in shidaalka baabuurteena kharibay ee ka yimaada Boosaaso iyo meelaha aanay dawladuhu ka jirin inuu dhib inagu hayo, markaa kambaniga waxaan ku dardaarayaa inuu keeno shidaal tayo leh, qiimo jaban oo aynu helno waxa ka wanaagsan wax tayo fiican leh.”
Guddoomiyaha shirkadda Gulf Petroleum Mr. Guuleed Jaamac Faarax oo soo gebogabeeyey xafladaasi, ayaa u mahadnaqay xukuumadda, gaar ahaan madaxweynaha go’aanka uu ku fasaxay suuqa shidaalka.

“Shirkadani waa mid Khaliijka degan shidaalka waddamada bariga Afrika oo dhana iyadaa ka shaqaysa, waddankeenana way ku cusub tahay, laakiin shidaalkayaga ugu horreeya July ayaanu keenaynaa, xafiisyadii dalka badankoodiina way noo furan yihiin,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Shirkadda Gulf Petroleum ee Somaliland.
Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Maareeyaha kambaniga Mr. Maxamed Yuusuf, Xildhibaan Sheekh Khaliif Axmed iyo Muj. Axmed Waysa Cadde, kuwaas oo dhammaantood soo dhaweeyey kambanigan oo ay ku tilmaameen mid waxtar ku soo kordhinaya dalka.
 
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com