Maareeyaha Shirkadda Diyaaradaha Africa Airways Oo Soo Dhaweeyay keenista Shiidaalka Cad Oo Gabaabsi Ku ahaa Haamaha Kaydka Berbera

Hargeysa-(Berberanews)- Maareeyaha shirkada diyaaradaha Africa Airways oo iyadu ah shirkada ugu duulimaadyada badan dhinaca diyaaraha jetka Warsame Xasan Gaas  ayaa soo dhaweeyey keenista shiidaalka Cad ee shirkadaha diyaaruhu isticmaalaan oo maanta ay dalka keentay shirkad lagu magacaabo Jet oil oo gabaabsi noqotay tan iyo intii xukuummadu laashay heshiiskii TOTAL.
Madaxa shirkaasi Mr. Warsame Xasan Gaas oo warbaahinta u waramay kadib markii shidaalkan cusub yimi Berbera, ayaa yidhi “Horta go’aanka Madaxweynuhu shidaalka kootada kaga saaray waanu hambalyeynaynaa oo uu xor ka dhigo, waayo arrintaa dhibaato badan ayaanu ku qabnay. Waxa kale oo aannu hambalyeynaynaa shirkaddan JETOIL ee muddada gaaban ku keentay shidaalka ee nooga soo gaadhsiisay. Weli shidaalkii hore ee qaaliga ahaa oo wax ka sii yaaleen ayaa naalga iibiyanay, laakiin shidaalka cusub waxaanu ranaynaynaa inuu noqdo mid lagu iibiyo qiimo ka jaban kii hore oo macquul ah,” ayuu yidhi Mr. Warsame.

Shiidaalka cad ee diyaaradaha oo ay hore dalka u keeni jirtay shirkadii meesha ka baxday ee TOTAL waxay cabsi xoog lehi soo foodsaartay qaar ka mid ah shirkadaha isticmaala diyaaradaha jetka oo ka baqa qabay inay shiidaal la’aan ku dhacaan, ka hor intii aan shiidaalka cusubi iman.
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com