Tartanka Shirkado iyo Shakhsiyaad Badani Ugu Jiraan Keenista Shiidaalka iyo Xukuumadda Oo Go’aan Ka Soo Saartay

Hargeya-(Berberanews)- War-saxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Somailand oo uu ku saxeexanyahay Wasiirka Arrimaha Debeda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka mid ah gudidii dawladu u saartay haamaha shiidaalka Berbera, ka dib erigii shirkadda Total, ayaa lagu caddeeyay inaanay jirin cid loo ogolaaday inay dalka shiidaal keento.
Warsaxaafadeedkan waxa lagu caddeeyay in inta laga dhammaystirayo qandaraas furan oo ay u simanyihiin shirkadaha danaynaya ay xukuumaddu gacanta ku hayn doonto.
war-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan: “Sida laga war qabo waxay xukuumada Somaliland soo saartay xeer Madaxweyne No. 0131 oo lagu cadeeyay in ay xukuumadu la wareegtay maamulka hawlihii ay qaban jirtay shirkada Total Oil Mer Rouge laga bilaabo 22/05/2011.
Waxay xukuumadu halkan ku cadaynaysaa in ilaa iyo inta la dhamaystiraayo nidaam qandaraaseed furan oo ay ku tartamaan shirkadaha danaynaya la wariigida hawshan ay xukuumada Somaliland gacanta ku hayndoonto.
Waxa kale oo ay xukuumadu cadaynaysaa in aanay haba yaraate jirin shirkad ama shakhsiyaad gaar ah oo la siiyay heshiis ama rukhsad la xidhiidha keenista shidaalka iyo maamulka haamaha shidaalka ee ay Total gacanta ku haysay.”
Tan iyo intii xukuumadu la wareegtay gacan-ku-haynta haamaha shiidaalka Berbera waxa soo baxay shakhsiyaad iyo shirkado tiro badan oo doonaya inay shiidaal keenaan, kuwaasoo muuqaallo iyo boodhadh xayaysiis ah oo tiro badan ku sii daayay suuqyada magaalooyinka waaweyn ee dalka, iyadoo laga dhursugayo go;aanka guddi Madaxweynuhu u saaray arrinta haamaha shiidaalka Berbera.
 
Shakhsiyaadka iyo shirkadaha sida weyn uga dhexmuuqda ololaha loogu jira keenista shiidaalka waxa ka mid ah shirkadda Jet oil oo gudida qandaraasyadu si ku-meel-gaadha ugu ogolaadeen ruqsad shiidaal ay  shixnadii u horaysay ee shiidaalka diyaaradaha shalay keentay haamaha Berbera, sidoo kale waxa ka iyana shirkadahan ka mid ah GULF Petrolium oo maanta munaasibad xadhiga lagaga jaray loogu sammeeyay Hargeysa.
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com