Dalka Xukunkiisa beel qudhaa Haysa, madaxweynihii, Guddoomiyihii Guurtida, waxaanu leenahay Hore Umay Dhicin..” Guddoomiyaha Xisbiga UCID

Berbera-(Berberanews)- “Walaalayaal markii xukuumaddu talada la wareegtayba waxa soo yeedhaysay  qaylo dhaan, looma sinabaa la leeyahay shaqooyinka, waxa kale oo la sheegayaa in ay dalka maanta xukunkiisa beel qudhaati hayso, madaxweynihii, guddoomiyihii golaha guurtida walaalayaal beel baa haysa, waxa aanu leenahay hore umay dhicin taasi, ee waa in dib la isugu noqdaa.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo saxaafadda ugu waramay Madaarka Berbera, ka dib markii uu ka soo laabtay safar in mudo ah ugu maqnaa dalka debediisa.
 
Guddoomiyaha UCID waxa uu xukuumadda ku dhalliilay inay u kala eexatay, inkastoo uu ku  ammaanay dawladu inay gaadhay xuduudaha dalka iyo bedelladii lacagta gobollada bari “Gobolada dalku ma sina, Boorama iyo Sool waa laga soo qaylinayaa, waxa aanu leenahay waa in si cadaalad ah wax walba loo maamulaa oo ay xukuumadu xuduudaha dalka oo dhan gaadhaa, taas ayaanu u aragnaa in ay horumar tahay. Waxaan soo dhaweynayaa in ay xukuumaddu lacagtii ka bedeshay gobolka Togdheer, waanan ku hambalyaynayaa’ ayuu yidhi.Guddoomiye Faysal.
 
Guddoomiye Faysal waxa uu dedaafeeyay furashada ururada siyaasadeed oo uu sheegay inuu u arko mid dhibaato keeni karta, “Waxa weeyaan inaynu ka tashano ururada la furayo, waad ogeydeen markii aanu ururada furaynay dhibaatadii naga qabsatay waa laga soo wada horjeeday oo shir-beeleed ayaa la doonayay, shir beeleedkaasina wadkii Somaliland ayuu noqon lahaa, maantana ururada waxaanu u aragnaa inay dhibaato keenayaan wayna ina furfurayaan oo jees jees ayay inaga dhigayaan oo cirka iyo dhulka ayay la kala sheegan doonaa.” Ayuu yidhi
 
Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu taageeray in xisbiyada la xoojiyo oo laga wada qaybgalo,islamarkaana uu diyaar u yahay inuu kursiga u baneeyo cidkasta oo wax qabanaysa, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi,  “Saddex xisbi ayaynu leenahay, anaga nooma afduubna xisbiyadu, laakiin xisbigu waxa uu u baahan yahay in tacab la gashado, in la dhiso oo lagu jiro oo laga shaqeeyo, laakiin baarashuud ayaan ku soo degayaa ma soconayso, markaa waxa aanu anagu u jeednaa axsaabta soo galla oo tacabka aanu galinay oo kale galiya, 19-sanadood ayaanu Somaliland geed kasta u seexanay, toban sanadood ayaanu xisbiga mooyaane aanan wax kale ka shaqayn.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaanu ugu baaqaynaa ragga axsaabta doonaya ninkii leh aniga ayaa Madaxwayne wanaagsan noqonow kaalay  anaga ayaa ku dooranayna oo kuu baneynaynee, laakiin khalkhal wadanka ha galinina, waxaanu shirka golaha dhexe keeni doonaa in aanu musharaxa xisbiga iyo musharaxa kala saarno, laakiin waxaanu leenahay kii wax isla hayow kaalay walaal oo imika soo gal xisbiga oo marka aad saddex bilood joogto ha cararine adkayso.”
 
 
 
Guddoomiyaha UCID waxa uu meesha ka saaray inuu wax khilaaf ahi ka dhex taaganyahay xisbiga dhexdiisa, isagoo qiray inuu fikir ahaan soo jeediyay in la kala saaro Guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga, isagoo ku hanjabay in ninkii wax isla hayaa uu badka so dhigo, isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Maalmihii ugu dambeeyay warbaahintu waxa ay qoraysay warar sheegaya in uu khilaaf ka dhex taagan yahay xisbiga UCID, waxa aan leeyahay ma jiro wax khilaaf ah oo dhex yaala xisbiga, waxa aan hore u soo jeediyay in la kala saaro guddoomiyaha iyo murashaxa, taasina fekerkayga ayay ahayd, way jiraan in uu hadal ka yimid, laakiin waxa aan leeyahay ninkii wax isla hayoow badka soo dhig.”
 
 
Guddoomiyaha UCID waxa uu u mahadceliyay boqollaal dadweyne ah oo ku soo dhaweeyay duleedka Hargeysa iyo masuulliyiin ka tirsan xisbiga UDUB, “Waxa aan idiinka mahadnaqayaa sida balaadhan ee aad iigu soo dhaweyseen magaaladda Hargeysa, si gaar ah waxa aan maanta ugu mahadcelinayaa Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB iyo masuuliyiinta sarsare ee xisbigaas oo iyaguna si fiican ii soo dhaweeyay” ayuu yidhi,
 
 
Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews.com