KULMIYE oo qarka u saraan inuu garabbo u qaybsamo, abaabulka socda iyo khilaafka shirka golaha dhexe oo Cirka isku shareeray

“Shirkan kuwa ka hadlaya ee dib u dhigiisa ka sheekaynaya horta ma ogyihiin in xilkoodii siddeed bilood ka hadhsan tahay….” “Waa’ayo ninka odhanaya guddi qaban-qaabo ayaan magacaabayaa iyada oo aanay guddi fullineed jirin…?” Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel).

“Arrinta ku saabsan qabashada shirka ee uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha dhexe, waa mid ka soo horjeedda nidaamkii iyo dastuurkii Xisbiga, hoggaanka xisbiguna..…” Kayse Xasan Cige.

Hargeysa, 02, June 2011 (Ogaal)- Masuuliyiinta sare ee Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay hannaanka loo marayo qabsoomidda shirka golaha dhexe ee Xisbigaaas. Kaasoo qabashadiisu sababtay in mucaaridad la filayey inay Xisbiyada kale ee UDUB iyo UCUD kaga timaaddo KULMIYE dhexdiisa ka qaraxday oo isagu mucaarid iyo muxaafid qolo waliba magicii Xisbiga huwan tahay u qaybsan.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) oo dhawaan ku dhawaaqay guddi soo qaban-qaabisa shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE , taasoo ay hogaanka xisbiguna ku tilmaamay mid aanay ciddi la ogayn guddoomiyaha oo waxba kama jiraan ah ayaa difaacay magacaabista guddidaas, waxaanu ku doodday inuu awood u leeyahay magacaabista xubno ka tirsan golaha dhexe oo la qabata hawl uu sheegay inuu isagu u xilsaaran yahay, waxa kale oo uu mr. Jaamac Shabeel sheegay inaanu xisbigu lahayn guddi fullineed oo sharci ku dhisan.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE oo xalay u warramay Horn Cable TV, waxa uu sheegay inaanu xisbigu lahayn guddi fullineed oo sharci ku dhisan.  “Shirkani waa shirkii golaha dhexe, waana shir aanaan baajin Karin, haddii la baajiyana waxa ka dhalan doonta dhibaato, dhibaatadaas ka dhalata baaqashadaas shirkana waxay gaadhi doonaan xisbiyada kale, masuuliyiinta xisbigu dibba umay eegin distoorkii xisbiga, distoorka xisbigu wuxuu waajibinayaa bisha March ee soo socota inuu qabsoomo shirweynihii xisbiga KULMIYE, macnaheedu waxa weeye xilalka aanu hayno dhamaantood waxay ku egyihiin bisha March.” Jaamac-Shabeel.

Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi; “Shirweynaha xisbiga si uu u qabsoomo distoorku wuxuu dhigayaa guddi qaban-qaabo ayaa soo diyaarinaysa, guddida qaban-qaabada waxa soo magacaabaya guddoonka xisbiga oo ah guddoomiyaha golaha dhexe, waxay soo diyaarinayaan warbixin waxay horgaynayaan guddida fullinta oo ansixinaya, sidaa darted guddi fullineed oo jirtaa ma jirto, waayo shirkii Burco ee golaha dhexe xisbiga qayb badan oo ka mid ah ayaa ka cadhootay, dibu heshiisiintii la galay ee hotel Maansoor  lagu saxeexay shuruud bay ahayd in guddida fullinta la dhiso, doorashadii ayaa soo dhawaatay Madaxweynuhuna wuxuu is-ydihi haddaad isku taa-taabato qarax kale ayey ku keeni doontaa, doorashadii ka dib guddoomiyahan immika xilka sii hayaana umuu dhaqaaqin xaggeedii, haddii uu xataa u dhaqaaqo guddidaas fulinta ee ansixinaysaa guddida qaban-qaabada shirweynuhu, waa inay iyada lafteedu sharci ahaataa, guddi fullineed oo aan sharci ahayni ma dhalayso guddi qaban-qaabo oo sharci ah. Sidaa darted Guddidaas fullintu si ay xalaal u noqoto waa in golaha dhexe la horkeenaa oo uu  ansixiyaa.” “Waxaasoo dhan ayaa meesha ka maqan, markaa shirkan kuwa ka hadlaya ee dib u dhigiisa ka sheekaynaya horta ma ogyihiin in xilkoodii siddeed bilood ka hadhsan tahay, ma ogyihiin in guddidii fullinta ee ansixin lahayd guddidaa qaban-qaabada inaanay jirin? Waa’ayo ninka odhanaya guddi qaban-qaabo ayaan magacaabayaa iyada oo aanay guddi fullineed jirin, guddidanina way ka duwan tahay oo sharciga meelna kagama qorna oo shaqo aan anigu lahaa guddoomiyihii  golaha dhexe haddaan ahay ayaan iyagoo xubno gole dhexe ah u dirtay.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE.

Jaamac-Shabeel, wuxu intaa ku ladhay; “Shirka golaha dhexe inuu qabsoomana waxa ku jirta badbaadada siyaasada Somaliland, haddii uu shirku oo iyada oo aan la qaban March la gaadho, nin guddoomiye sheegan karaya iyo nin gole dhexe sheegan karayaa midna ma jiro, xisbigii talada dalka hayayna wuxuu ku dhacayaa baaba’a.” Guddoomiyuhu, waxa uu intaa ku daray isagoo ka hadlaya qabyo uu sheegay inay ka jirto hoggaanka sare iyo afar Guddoomiye ku-xigeen; “Afar Guddoomiye ku-xigeen, laba ayaa joogaa, waxaana lagu saleeyay markii afarta guddoomiye guddoomiye ku-xigeen la samaynaya siyaasad, siyaasadiina may dhaqaaqine halkii ayay taagan tahay, labadaa guddoomiye ku-xigeen dadkii ay matalayeen ee sawirka looga dhigay way ka maqan yihiin oo talada kuma jiraan, labadaas kursina waxa baneeyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka , waana in la soo buuxiyaa.”

Dhinaca kale Xogyaha guud ee Xisbiga KULMIYE Kayse Xasan Cige ayaa isaguna dhiniciisa dhawaaqa Jaamac-Shabeel ku tilmaamay mid ka soo horjeeda nidaamka iyo dastuurka Xisbiga KULMIYE, waxaanu sheegay inaanay jirin cid uu kala tashaday magacaabista Guddida qaban-qaabada shirka golaha dhexe.

Xogyaha guud oo isaguna isla xalay u warramay HCTV, isagoo ku sugan dalka Ingiriiska waxa uu tilmaamay inaanay hoggaanka Xisbiga iyo xubnaha golaha dhexe midna aanu la ogayn Jaamac Shabeel arrinta magacaabista guddida qaban-qaabada shirka, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii. “Arrinta ku saabsan qabashada shirka ee uu ku dhawaaqay ninka odayga ah ee guddoomiyaha golaha dhexe, waa mid ka soo horjeedaa nidaamkii iyo dastuurkii xisbiga, marka la doonayo in shir la qabto horta waa in hogaanku shiraa oo guddidii fullinta loo yeedhaa, waa in ajande la sameeyaa, marka waxaasoo dhan la diyaariyo ee duruufaha la eego, waa in la iclaamiyaa oo la yidhaahdaa xubnihii golaha dhexe ee xisbigu waa inay maalintaa isku yimaaddaan, ka dib ajandihii halkaa lagaga hadlaa, maaha intaan anigu kaligay istaago aan idhaahdo shirbaan qabanayaa.” ayuu yidhi Xoghaya KULMIYE Kayse Xasan Cige.

“Shirka aanay ogeyn hoggaanka Xisbigu ee aanay ogeyn guddida fullintu, xataa waxaan ogeyn Guddoomiye ku-xigeenkii golaha dhexe iyo Xoghayihii golaha dhexe, waa baaq ka yimi hal qof, kaasina wax soconaya maaha. “ ayuu raaciyay hadalkiisa.

Source Ogaal.