Nairobi, (Berberanews)- Shirkadda Coca-Cola oo ah shirkadda ugu weyn adduunka ee samaysa cabbitaanka ayaa qorshaynaysa inay ka dhisaan warshad samaysa sharaabka Somaliland haddii xasilloonida iyo koboca dhaqaale ee Somaliland ka jiraa sii socdaan xaaladduna noqoto mid u saamaxaysa in maalgashi lagu samayn karo.
Sida ay qortay Bloomberg, Warshadda cabbitaanada ee Somaliland, oo u leeyahay ganacsdaha Axmed Cismaan Geelle, ayaa la siiyey liisan uu ku shaqeysto Warshaddaa oo dhismaheedu socdo lana filayo inay bilowdo hawlaheeda wax soo saar dhammaadka bisha sideedaad ee sannadkan aynu ku guda jirno. Sida uu sheegay Ndema Rukandema oo ah madaxa shirkada Coca-Cola ee geeska iyo badhtamaha Afrika. Shirkada Coca-Cola ayaa wakhtigan gelisay dhaqaale gaadhaya $10 million dhismaha warshadaa oo laga hirgalinayo caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Somaliland ayaa xornimadeeda kala soo noqotay Somaliya inteeda kale sanadkii 1991, ka dib mudo yar ka dib markii xukunka laga tuuray kalidii taliyihii Siyaad Barre. Inkastoo aanay weli helin aqoonsi caalami ah hadana waxa ka jira xasiloon iyo deganaan badan, halka Somaliya inteeda kale wali ay ka sii socdaan qulqulatooyinka iyo dhibaatooyinka dagaal ee hadheeyay dalkaas.
“Coca-Cola ayaa soo gashay dal dhaqaalihiisa ay xukuumadu sheegtay inuu gebi ahaanba ku xidhan yahay lacagaha dibedda looga soo diro dadka ee xawaaladaha dadka eheladoodu dibadaha ku maqan yihiin loo soo mariyo iyo in dhoofka xoolaha ee barriga dhexe gaar ahaan dalalka Khaliijka ay Somaliland u dhoofiso. Hasa yeeshee wax soo saarka warshadan oo bedeli doona cabitaanada Coca-Cola ee xilligan laga soo dhoofiyo barriga dhexe, wuxuu qayb wayn ka qaadan doona kobaca iyo horumarka Somaliland.” ayuu yidhi Mr. Rukandema.
“Somaliland waxa ka jira dhaqaale kobcaya, oo ku xidhan dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dalka ka jira,” ayuu sheegay Rukandema. “Xasiloonida dalkani ku soo jiray in badan ayaa tilmaamaya jawi ganacsi lagu samayn karo.”
Heshiiska Coca-Cola kula jirtay United Bottling Co., wakiilkooda caasimada Muqdisho ee ciidamada Afrika iyo xukuumadu isku deyeyaan inay ka saaraan maleeshiyaadka Al- Shabaab ayaan wakhtigan shaqeynayn oo gabi ahaanba la joojiyay wax soo saarkiisi.sida uu sheegay Mr. Rukandema. Magaalada Muqdisho oo maal-galin wayn shirkada Coco-cola galisay ayaa waxa ka socda dagaal xukuumada ku meel gaadhka ahii kula jirto kooxaha xag-jirka ah ee Alshabaab iyo Xisbu Islaam kaas oo socday ilaa sanadkii 2007-dii.