Badhasaabka Saaxil Oo Si Kulul U Weeraray Saxaafadda iyo Wasiir Geel-jire Oo Sheegay Inaanay La Qabin Xukuummadu

Berbera-(Berbera)- Waxay ahayd maalintii shalay markii raxan wasiiro ah iyo madaxda gobolka Saaxil madaarka Berbera si weyn ugu soo dhaweeyeen Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo muddo safar dibadeed ku maqnaa.
 
Soo dhawaynta Wasiirka oo hadallo kala duwan laga jeediyay waxa ka hadlay laba masuul oo dwaladda ka tirsan, kuwaasoo siyaabo kala duwan iyo sawirba ka bixiyay saxaafadda Somaliland oo midkood difaacay, halka ka kalena uu weeraray. Labada masuul waxay kala ahaayeen Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax) oo isagu si badheedha u weeraray warbaahinta oo dhinaca xun iska taagay, kuna sifeeyay inay lidi ku yihiin horumarka iyo waxqabadka masuulliyiinta kala duwan ee xukuumadda, waxaanu yidhi, “Waxaan aad uga xumahay Dadka Reer Somaliland ee ay ahayd in ay is barbar taagaan hareertana la qabtaan cidii wax qabanaysa in maalin walba Saxaafadu aflagaadooyin iyo waxaan laaqi ahayn ay ku samayso runtii taas aadbaan uga xumahay keligiina ma aha ee in badan oo is leh wax qabta ayay arintaasi ku tahay niyad jab lagu rido marka la flagaadeeyo qofkii oo dedaalaya”

 
Haseyeeshee Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdillaahi Geeljire, ayaa isagu jeediyay weedho uu ku difaacay saxaafadda oo jwaab u ah hadalladii uu saxaafadda iyo guud ahaanba Bulshada Reer Somaliland ku eedeeyay Badhsaabka Saaxil in ay aflagaadeeyaan cidkasta oo dedaal ugu jirta in ay wax qabato, isagoo wasiirku Haddalkaasi badhasaabka muujinaya in aanay la qabin eedaasina waxa uu yidhi “saxaafadda waxba ka cabanmayno, saxaafadu waxay doonto ha qorto xorbay u tahay waayo anaguba waxbaanu ku qori jiray wax mushkiladana ma aha waxase haboon Wadaninimada iyo dedaalka in la ilaaliyo uun baa looga jeedaa ee cabasho gaar ah ma aha”
 
Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews.com