Berbera-(Berberanews)- Shirkadda Star Company , ayaa shalay magalada Berbera geysay booyad ay ku sheegeen inuu ku jiro shiidaalka cad ee diyaaradaha, balse markii la baadhay la ogaaday inay ku jirto gaasta caadiga ahi.
Qaar ka mid ah hawlwadeenada haamaha shiidaalka Berbera oo xidhiidh la soo sammeeyay shebekadda Berberanews ayaa xaqiijiyay inay baadhitaanno ku sammeeyeen booyad ay leedahay shirkadda Star oo loo sheegay inay ku jirto gaasta diyaaradaha ee cad, balse intii aan haamaha lagu shubin ay hubiyeen shaqaaluhu, ka dibna ogaadeen in waxa ku jiraa aanay ahayn shiidaalka cad ee diyaaradaha, balse loogu tegay gaas, taasoo dhalisay inay markiiba dalbadaan ciidanka baadhista dembiyada Berbera oo haatan dhacdadan gacanta ku haya.
Dhacdadan foosha xun ee ka dhacday Haamaha shiidaalka Berbera, ayaa la sheegayaa inay ahayd arrin ku tallo gal ah oo uu ka danbeeyay Wasiirka wasaarada Gancsiga Iyo warshadaha Cabdirisaaq Kahliif oo la safan shirkadda Star oo ay loolan ku wada jiraan shirkadda Saaxil Jet Oil oo ay Guddida qandaraasyadu hore u siiyeen ruqsad ku-meel-gaadh ah oo ay shiidaalka diyaaradaha ku keenaan, iyagoo shixnadoodii u horraysay todobaadkii hore keenay Berbera, balse uu wasiirka ganacsigu ka daba keenay in uu mar saxeexo heshiis kale oo shirkadda Star oo u la sheegay inay saami ugu ballanqaaday haddii ay ku guulaysato tartanka shiidaalka loogu jiro siiyay ruqsad, sidaa daraadeedna uu Wasiirku doonayo in marka arrintan baadhitaan lagu sammeeyo laga wada joojiyo labada shirkadoodba, ka dibna marka uu Saaxil Jet meesha ka saaro uu Star dib meesha ugu soo celiyo.
Haddii aan shaqaalaha Haamuhu baadhitaan ku samayn lahayn gaastan waxay arrintani sumcad dilweyn ku noqon lahayd Somaliland oo haddii mid ka mid ah diyaaradaha lagu shubi lahaa gaastan ay sababi lahayd inay soo dhacdo, halkaana khasaare aan laga soo waaqsan uu ka dhasho.
Hiilka caddaanka ah ee Wasiirka Ganacsigu ku garab-siinayo shirkadda Star waxa uu debeda u soo baxay markii uu soo fadhiistay telefishanka qaranka ee uu si toosa u weeraray shirkadda Saaxil Jet oill oo uu sheegay inay kala noqdeen ruqsadii ay hore u siiyeen, ka dib markii ay ka badbadin sammeeyeen oo ay xayaysiisyo sammaysteen, iyadoo sida la wada ogyahay wasiirka boosaha iyo isgaadhsiintu dhammaadkii todobaadkan uu xadhiga ka jaray shirkad cusub oo shiidaal oo Gulf lagu magacaabo, taasina waxay iftiiminaysaa in cid wasiiradu wataan ay sharci tahay shirkadahoodu. halka kuwa kalena shaadh dawladeed iyo muquunin loo adeegsanayo.
Tallaabada uu Wasiirka Ganacsigu qaaday waxay wax weyn udhimaysa nadaamkii ganacsiga iyo Qeynuunkii u yaalay tartanka xorta ah ee ganacsiga Somaliland.
Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews.com