Madaxweynaha Somaliland oo xidhigga ka jiray dhisme cusub oo loo sameeyey Wasaarada Gaashandhigga

Hargeysa(Berberanews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xadhigga ka jaray maanta Aqal laba Dabaq ka kooban oo loo dhisay Wasaaradda Gaashandhigga Somaliland.
 
Munaasibaddii xadhigga lagaga jaray dhismahaas ka sokow Madaxweynaha Qaranka,waxa ka soo qaybgalay Masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray Wasiirro, Madaxda Ciidammada kala duwan ee Qaranka sida ilaalada Xeebaha, Qaranka, Booliska, Asluubta iyo Saraakiil qaybahaa ka kala socda, Xildhibaanno Golayaasha Guurta iyo Wakiillada ka tirsan, Madax iyo marti-sharaf kale.
 
Waxa Xafladdaas ugu horreyn  ka hadalay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu ka warramay dhismahan iyo qiimaha uu ugu fadhiyo Wasaarada Gaashandhigga, isaga oo ka tilmaamay inay Qaranka ugu jirto Wasaaraddaasi kaalin weyn oo muhiimad ballaadhan leh.

Madaxweynaha waxa ka mid ahaa hadalladiisii oo uu yidhi; “Marka hore aad iyo aad ayaan idin salaamayaa. Waxan jecelahay inaan marka hore bogaadin iyo mahadnaq u soo jeediyo Wasiirka Difaaca iyo Wasaaradda Difaaca Qaranka oo ah Wasaarad aad iyo aad muhiim u ah iyada iyo Ciidammada Qaranka ee Difaaca Qaranka innoo qaabbilsan oo ahmiyadda ay innoo leedahay aynu ognahay oo ah xubinta ugu wayn ee u taagan Astaanta Qaranka, Difaacida dalka iyo ummadda u taagan oo ah Wasaaradda difaaca iyo Ciidammada Qaranka, haddii ay yihiin Millateri iyo haddii ay yihiin Bilays.”
 
“Waxa kale oo aan jecelahay taageerada ay noo geysteen ciddii dhistay dhismahan aannu halkan ugu nimi ee quruxda badan ee aad iyo aadka u wanaagsan, waa mid aannu ugu mahadnaqayno oo qiimihii Wasaaradda iyo difaaca Qaranka kor u qaadaysa.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
 
Sidoo kale, waxa isna halkaa ka hadalay Wasiirka Gaashandhigga Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa halkaa ka sheegay inay tahay ballan-qaadyadii ay wakhtigii lagu jiray ololah doorashada. “Salaanta ka dib waxaan si gaar ah oo sharaf ah ka dib balanqaadyadii wakhtigii lagu jiray ololaha doorashada in iyada oo la qiimayno xisbiga Kulmiye iyada oo aan nina halka uu jooga waxbana hoos u dhigin waxbana ka dhimin, balantii sidaas ahayd baa la fuliyay, meelo badana waa laga fuliyay, waxaanan aad ugu faraxsanahay in wasaaraddaydii dhismahan qurux badan loo dhisay, waxaanan ka cabsi qabaa in rag badani ay iska dumiyaan oo marka aan idin wada tusno ay yidhaahdaan anagan sidan oo kale ha naloogu dhiso.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.
 
Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta Xafladda kala qaybgalay, waxay kormeer ku mareen qaybaha dhismaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga loo dhisay ka kooban yahay, iyo kii hore oo uu Wasiirku sheegay inuu ku dhawaa heer uu dumo.
 
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.