Museveni oo ku hanjabay inuu Ciidankiisa kala baxayo Muqdisho haddii la rido TFG-da iyo jawaabaha laga bixiyey

Kampala/Nairobi (Berberanews) Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, ayaa ku hanjabay in Ciidammadiisa ku sugan magaalada Muqdisho ee Soomaaliya uu la bixi doono  haddii Xukuumadda Ku-meel-gaadhka ah ee talada haysa ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif la rido. Isla markaana, ay fawdo iyo dhibaatooyin shacabka Soomaaliyeed loo geysto oo ka badan kuwa haatan jira ay bilaabmi doonaan.

Museveni, ayaa sheegay in haddii uu maamulku lumo aanay jiri karin sabab ay ku sii joogaan Soomaaliya, waxaanu codsaday in hal sano oo dheeraad ah loogu daro Xukuumadda federal-ka ah si ay hawlaha u hadhsan iyo waajibkeeda u dhameystirto.

 

Qarammada Midoobay ayaa sheegtay in xilliga ku-meel-gaadhka ah uu ku eg-yahay marka la gaadho bisha August 20-keeda ee sannadkan, sidaa awgeedna ay tahay in la qabto doorashooyin dhaqso ah oo lagu soo xulanayo hoggaan cusub oo uu dalka Soomaaliya yeesho.

 

“Doorashooyin ka dhaca Soomaaliya waxa ay fursad u siinayaan xoogagga  Al-Shabaab inay dib isku soo abaabulaan, oo ay sii wadaan hawlgalladooda dagaal.” ayuu yidhi Madaxweynaha Uganda Mr. Museveni oo ka hadlyay in doorasho la qabto iyo in kale, mar uu Khamiistii ka hadlayey Shir arrimaha Soomaaliya lagaga hadlay oo lagu qabtay magaalada Kampala ee Caasimadda waddanka Uganda.

 

“Haddii maamulka Soomaaliya uu lumo, ama uu shaqeyn waayo, ma jirto sabab ay Ciidammadeennu kusii joogaan xaaladdaas khatarta ah. Waannu ka baxaynaa Soomaaliya markaas.” ayuu si cad u yidhi Yoweri Museveni.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo hadalka Madaxweyne Museveni soo dhaweeyey ayaa isaguna uga digay beesha caalamka in ay maamusho Soomaailya, waxaanu sheegay in xilligan aan lagu qaban karin dalka Soomaaliya wax doorasho ah.

 

Dalka Uganda ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya 5,000 oo Askari oo ah tirada ugu badan ee ka qaybqaadanaya hawlgalka Ciidammada Midawga Afrika ka jooga Soomaaliya ee AMISOM, waxaana hoawlgalkan sidoo kale qayb ka ah 4,000 Askari oo ka socda dalka Burundi ee ku yaalla gobolka Harooyinka waaweyn ee badhtamaha Afrika.

 

Kuawaaso gacan siiya ama taageera Ciidammada dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ee dagaalka kula jirta Kooxa mucaaridka ku ah ee Malleeshiyada Al-Shabaab iyo Xulufadooda ka dagaallama inta badan dhulka Soomaaliya.

Dhinaca kale, qaar ka mida Xildhibaannada Baarlamanka Soomaaliya oo shalay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenyana shir Jaraa’id ku qabtay, ayaa si adag u cambaareeyey hadalka ka soo yeedhay Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, oo ay ku tilmaameen hadalkiisa mid ay u arkayaan fara-gelin qaawan oo uu kula kacay Soomaaliya.

 

Waxaanay tilmaameen Mudanayaashaasi inaanu Museveni tixgelinnin Dastoorka iyo Qarannimada waddanka Soomaaliya, iyaga oo ku dooday in Ciidammada Uganda ka socda sababta ay Muqdisho joogaan tahay oggolaansha ay Baarlamanka Soomaaliya ansixiyeen inay yimaaddaan Ciidammo nabad-ilaalineed oo ka socda Midawga Afrika (AMISOM). Waxaanay ku hanjabeen inaanay u dul-qaadan doonin faragelin noocaas ah oo dal dibadeed kaga timaadda, dalabka Madaxweynaha Uganda-na yahay mid aan waxba ka jirin.

 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.